Waa Maxay Sababta Askartu Ay u Tageen Djabuti ( Abdi-Shotaly).
(a) Waxa si cad loogu sheegay, looguna bayaamiyey, oo loo daawi-siiyey khariidadda ama map-ka dunidda, in ay Somaliland ka mid tahay Somaliya, oo aanay ahayn dal madax banaan, waana daawateen iyaga oo loogu sharaxaayo Xafiiska Keliggii taliyaha u seediga ah " Nuux baasto Iyo Raggii Ma Adigaa ka hadhay" kii iska daba ordi jirey ee Geenyo-na daba taagan yahay.
Waxana lagu yidhi ha wareerina maamul goboleed baad tihiin ka tirsan Somaliya.
(b) Ina Geelle Basalka Jabuuti ka taliya, baa wuxu u sheegay Askarta in ay isaga iyo Farmaajo oo wadda socdaa yimaadaan Hargaysa, kagna wadda hadlaan sheekadda Goooni u goosadka, taas oo ah mid hadda beenawday, oo wax walba looga soo saxeexo Xamar, xataa laga diiday in ay ku dhoofaan baasaboorka Somaliland, oo ay jabuuti iyo meel walba ku tageen ka Somaliya ilaa Xajkii.
(c) Xaramka looma tegin denbi dhaaf iyo ilaah caabud, laakiin balan baa jirey uu sameeyey, kana dambeeyey ina Geelle Basal, si ay ula kulmaan, Wasiirka Arimaha Debedda iyo ka Maaliyadda ee Xamar, halkaas baana lagaga soo wadda hadlay in Farmaajo iyo Ina Geelle Basal isu raacaan Hargayeysa.
(d) Waxa loo doontay oo kale hub waa-weyn oo ay ka mid yihiin qoryaha la yidhaaho " Hoobiyaha", ee 120mm, 85mm, 65mm, zoo 23, miino iyo beebee, taangiyo, iyo hubka fudud ee uu askrigu qaadi akro wakhtiga dagaalka, telefoonadda askartu ku wadda hadasho, taas oo si qarsoodi ah looga soo dejiyo Gasiiradda Sacaadul-diin, ee saylac u dhaw, iyaka oo raba in ay hub-kaas ku isticmaalaan Jeneral Caarre, siddii ay buurta uga saari lahaayeen, taas oo imika sinaba ugu suuro-geli wayday askarta, kuna guul daraysteen, wax kaste oo ay isku dayaan-ba, haddii ay nabad been ah wax ku doon noqoto, odayaal la laaluusho, iyo farsamooyin hanjabo digaag ah, kuwaas oo ah cirkaanu soo dumainaynaa umadda maqashiiyaan.
Sidaas oo ay atahy, baa murtiyi ahayd " Beentu kuma bisixee, adaw balan-bali". Iyaba waa nasiib darro'e, Askartii way ku hungoobeen, hubka sare ee ay u baryo tageen, waxana uu ku yidhi Ina Geelle Basal, haddii aad ogolaataan in aanu nimaadno Hargeysa anaka oo wadda socona Farmaajo, waanu idin siin doonaa Hubkaas isaga ah, maamulka somaliya baa sidii galgala ka saaraya, oo diyaarado uga dal-banaaya Maraykanka, Farsiiska, kharash-kana waxa bixinaaya Dawladda Qadar ee Khaliijka. waxa keliya ee aan idin siin karaa waa Qoryaha uu askarigu qaadi karo, sidda Kalaashin-koof 47 iyo rasaas-tiisa, iyo waxoogaa miino ah. hadaba waxan ku soo gabaga-beeyey qoraalkan, afka baa dhulka loogu dhuftay askartii, oo diri adag bay madaxa loogu garaacay. qosol ku jab iyo huu-haa la soo aloosay, siddii caadadda u ahayd, baa la yidhi Tareen baa la idiin dhisayaa, oo Jabuuti-yoo cadaabtu ka soo if baxday, dal-xisba aan lahayn, lagu maaweeliyey Obokh iyo Tujira baa la idin geeyey, Bal is weydiiya oo maxay ka keeneen? Ma ina geelle basal baa tareen u dhisaaya, isaggii ba ainjirtu dareeraysaa, oobisaaska qab-qabsanaaya'e, Ma waxaas baynu ka rumaysanaa, oo ka maqalaa beenaala-yaashaas aan hal xalaal ah aqoon.
* N.B Beeni Kuma Bixisee, Adaw Balan-bali.
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!