Sidee Loogu Kala Guulaystay Abaal Marinihii Tartanka Degmooyinka Hargeysa

0
Saturday September 07, 2019 - 20:13:40 in News by
  • Visits: 3978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Loogu Kala Guulaystay Abaal Marinihii Tartanka Degmooyinka Hargeysa

    Sidee Loogu Kala Guulaystay Abaal Marinihii Tartanka Degmooyinka Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidee Loogu Kala Guulaystay Abaal Marinihii Tartanka Degmooyinka Hargeysa


Hargeysa(HWN):-Degmadda Axmed Dhagax ayaa maalintii Shalay ku guuleysatay Koobka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Caasimadda Hargeysa ee 2019, kadib markii ay guul ka gaadhay Degmadda Ibraahim Koodbuur oo ay kulankan Finalka wada ciyaarayeen.



Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen dadweyne kummanaan kun ah, taas oo guud ahaanba garoonku uu buuxsamay maadaama labadda Degmo ee kulankan iskugu soo baxay ay ahaayeen labaddii Degmo ee ugu wanaagsana marka loo eego Degmooyinka kale ee ka soo qeyb-galay, sidoo kalena mid kasta Groupka kaga soo baxay 9-dhibcood.

Image may contain: 6 people

Haddaba kulankii shalay ayaa ku bilaabmay qaab ciyaareed wanaagsan oo labadda Degmaba mid kasta ku doonayo inuu la yimaaddo goolkii koowaad ee ciyaarta taas oo sawaxanka iyo sacabka taageerayaashu wehelinayso. Qeybtii hore ee ciyaarta daqiiqaddii 28-aad ayaa Degmadda Axmed Dhagax la timid goolkoodii koowaad, waxaana u saxeexay weerar yahankooda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiraxmaan (Takar), kaas oo kubadda si fudud goolhayaha Ibraahim Koodbuur u weydaariyay, intaas kadib Degmadda Ibraahim Koodbuur ayaa dedaalo ay la yimaadeen u suurtoobi weyday inay la yimaadaan wax gool ah, waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1:0.


Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Degmo kasta dardar iyo dedaalo dheeriya la soo galeen garoonka, fursaddo kala duwan oo labadda Degmaba la yimaadeen ayay ka faa'ideysan waayeen inay goolal u bedalaan, waxaana aakhirkii ciyaartu ku soo dhammaatay 1:0 ay guushu ku raacday Degmadda Axmed Dhagax, sidaasna ku hanatay Koobkii Degmooyinka Caasimadda Hargeysa ee 2019.


Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiirka Arrimaha Guddaha, Guddoomiyaha XKCSL, Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Badhasaabka Gobolka Maroodijeex, Duqa Caasimadda Hargeysa iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha ayaa Guddoonsiiyey Billadihii, Abaal-marinaddii iyo Koobkii Tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa ee 2019.


Degmadda Axmed Dhagax ayaa sidaas ku noqotay Horyaalka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa ee 2019, sidoo kale Abaal-marrinadii shakhsiga ahayd ee la guddoonsiiyey ciyaartoydii dedaalka la yimid Degmooyin-koodana guulaha u horseeday intii tartanku socday ayaa kala ahaa sidan:


Best Player Award: Siciid Maxamed Jaamac (Messi) - Ibraahim Koodbuur

Top Scorer Player Award: Maxamed Yuusif Xirsi (Xaamo) - Axmed Dhagax

Best Coach Award: Maxamed Ibraahim Cismaan - Axmed Dhagax

Best Goalkeeper Award: Naadi Axmed Dalmar - Ibraahim Koodbuur

Best Midfielder Award: Cawil Faysal Muuse (Messi) - Maxamed Mooge

Best Defender Award: Maxamed Mustafe (Doox) - Axmed Dhagax

Best Discipline Award: Ridwaan Maxamed Ciise - (31 May)


Loading...
Loading...