Somaliland Oo Cadaysay Masaafada Xadku U Jiro Xarunta Puntland Ee Garoowe
Abaandulaha Ciidanka Militeriga Somaliland Cabdirisaaq Siciid Bullaale ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay taliyaha ciidanka Puntland oo sheegay in Badhan ka mid tahay dhulka Puntland.
"Taliyaha ciidanka Puntland waxa uu sheegay inay Somaliland tahay Al shabaab oo ay iskaashadaan, hadii aan taas ka jawaabo caalamku wuu og yahay in Al shabaab iyo budhcad badeed midna saldhig ku lahayn Somaliland oo aanay deegaan iyo xidhiidhtoona ku lahayn oo ay ka caagan yihiin dhulka Somaliland, taliyaha waxaan leeyahay hoos u eeg deegaankaaga inta saldhig ee ay ku leeyihiin ee ciidankaaga la jaarka yihiin”ayuu yidhi Abaandulle Bulaale.
Waxa uu intaas ku daray "Waxa kale oo uu Badhan ku sheegay in caasimada labaad ee Puntland tahay, waxaan u sheegaya taliyahaasi in Boosaaso uu xadkayagu u jiro 15 KM, Qardhana uu u jiro 7km, Garoowana uu u jiro 5 km. waxaan odhan lahaa barro oo xafad juquuraafiga dalka aad leedahay ciidankiisa waan xukumaa oo xadkiisa baro, xuduudda Afrika kuma dhisna qabiil iyo isir midna, ciidankayagu sodan sanno ayuu jirey maalin kaliyana dagaal maanu iclaamin xiisana nooma hayo dagaal balaayo waxay tarto waanu naqaanaa waanu kaa waaninaynaa dhibaatadda uu iclaamiyo, reer Badhana waxan leeyahay shacab iyo ciidanba waa ummad reer Somaliland ah waxaan leeyahay nin aan ku furi doonin yuu ku rarin, ciidankii hore u tagay Puntland intoodi badnayd way soo noqdeen waad ogtihiin oo ninka halkaasi taga mushahar ma helo, ciidankoodu wadada ayuu jara, caalamku wuu wada ogyahay ciidan dhisan maaha oo lix bilood mushahar ma helaan.”.


0 





