Baabuur Ay Leedahay Hay'adda Care Oo Lagu Afduubay Deegaan Ka Tiran Gobolka Sanaag

Ceerigaabo(HWN):-Baabuur u shaqaynayay Hay'adda CARE ayaa galabta maleeshiyo hubsaysani ku afduubeen Magaalada God-caanood ee koonfur galbeed ka xigta Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, kana tirsan Degmada Ceel Afweyn, waxaana saarnaa hal qof ka mid ah Shaqaalaha Hay'adda CARE, laba qof oo shaqaale ka ah Shirkadda Iskaadhsiinta TELESOM iyo darawalkii gaadhiga waday, waxaana la sheegay inaan waxba la yeelin dadkaas saarnaa Gaadhiga.
Sida la sheegay maleeshiyadaasi waxay kaxaysteen gaadhigii iyo qalabkii saarnaa ka dib markii ay ka dejiyeen darawalkii iyo xubnihii saarnaa.
Baabuurkan siday shaqalaha Hay'adda CARE iyo TELESOM ayaa malmahan ka shaqaynayay Magaalooyinka bariga iyo Koonfurta Ceerigaabo, waxaana Ha'adda CARE halkaas ka waday barnaamij lacagta loogu shubo bulshada reer guuraaga ah mobile-ka gacanta isla markaasna shaqaalaha TELESOM ayaa ka shaqaynayay kaadhadhka dadka lacagta loogu shubaayo.
Gaadhigan ayaa u soo socday dhinaca Magaalada Ceerigaabo markii jidgooyada loo galay, waxaana saarnaa mobiles, laptops iyo qalabkii lagu diiwaan gelinayay bulshadaas mucaawimada loo qabanayay, taas oo gebi ahaantoodaba gacanta u gashay dablaydaas. Darawalkii iyo xubnihii shaqaalah ahaa ayaa goor dambe oo galabta ah gaadhay Magaalada Ceerigaabo, walow gaadhigii ilaa hada maqan yahay.

Loading...
Loading...

0 