Somaliland Oo Amar Duldhigtay Dhakhaatiirta Ajaanibka Ah

0
Saturday September 07, 2019 - 19:03:10 in News by
  • Visits: 2426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Amar Duldhigtay Dhakhaatiirta Ajaanibka Ah

    Somaliland Oo Amar Duldhigtay Dhakhaatiirta Ajaanibka Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Amar Duldhigtay Dhakhaatiirta Ajaanibka Ah


Hargeysa(HWN):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay inay baadhis ku samayn doonaan isla markaana hubin doonana Farmasiiyada kala duwan ee dalka ku yaala.




Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye,oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan "Daryeelka iyo ilaalinta Caafimaadka Bulshada, Deegaanka iyo Dalkaba, waa waajibkayga qaran, iyo xilka aanu qaranka u hayno, ILLAAHAY oo qudha ayaa wax ilaalin kara, laakiin anagu Xukuumad ahaan intii karaankayga ah waanu dadaalayna, in aanu tayada caafimaadka ee dalkana ilaalino waa mid loo baahan yahay in aanu ka hor tagno wax kasta oo caafimaad daro keenaya, cudurana ka dhalanayan, waa loo baahan yahay, markaas sidaas oo ay tahay Caafimaadku wuxuu ka mid yahay nimcooyinka ILLAAHAY uu bixiyo, markaas inaynu ka war hayno oo aynu mar walba ilaalino Caafimaadkeena guud iyo Caafimaadkeena gaarka ahba, ayaa loo baahan yahay, waxaa dhacday in aanu hore dalka uga saarnay dad ajaanib ah oo iyaga aan dhakhtaro ahayn ama buuxin shuruudihii looga baahna haddana dhakhtaro inoo sheeganayanayey, sidaas darteed caafimaadka bulshadu inuu bakhtiya nasiib uu galo ma rabno, dhakhaatiir aan liisan Caafimaad wadana dalkana kama hawl-gali karaan, ee Komishankeena inoo qaabilsan hawshan ee ah Komishanka Mihnadaha Caafimaadka Somaliland (NHPC),cid aan liisan ka wadani, oo aanay hubin, dalka kama sii hawlgali karaan, oo Bulshada Dhakhaatiir uma sii noqon karaan, ha noqdaan muwaaniin iyo ajaaniba”.


Mar uu ka hadlaayey Farmasiiyada ayaa yidhi "Farmaasiiyadii sidii dukaamadii oo kale ayey dalka ugu bateen, ee baadhiis baanu ku sameeyn doonaa, oo waxaanu hubin doonaa dawooyinka ay iibiyaan,aqoonta cidda dawooyinka iibinaysa”

 

Loading...
Loading...