Warkii Dalka Oo Kooban Oo Qurbajoogta Ku Socda.

0
Saturday September 07, 2019 - 11:51:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warkii Dalka Oo Kooban Oo Qurbajoogta Ku Socda.

    Horta hubaal laf dhabarta dhaqaale aynu leeyahay waa xoolo nool iyo boqolkiiba wax aad u yar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horta hubaal laf dhabarta dhaqaale aynu leeyahay waa xoolo nool iyo boqolkiiba wax aad u yar
oo beero ah,waxaa soo raacaa waa laba shay oo mid xaaraantii nebi xarimay yahay (SCW) oo ah lacagta la baalmariyo wasaaradda Maaliyadda ee musuqmaasaqa lagu dheefto, ta kale waa lacagta yar ee qurbajoogtu biilasha iyo dhismayaasha ku Keenan.



Wax kale oo ina soo galay ma jireen oo caawimooyinka iyana sida loo kala farsameeyo aynu ognay oo wax dib ugu noqda ciddii bixinteeda ku magacawneed waxna dooxyada lala xulo. 


Markaan suuqyada SOMALILAND is dhex qotomiyey een hareer walba eegay een u fiirsaday een ka baaraandegay wixii dhacayey waxaan goaasaday inay jirto lacag dollars oo dadka  baayac mushtarigii sii xammaalayaan oo xagga dalalka waxsoosaarka leh u wadaan si ay badeecado isku wada noonooca oo is wada jebinaya marka suuqyada SOMALILAND la keeno Kuwaas oo dhammaantood (role) kii dawladnimo ka maqanyey hadday regulation tahay iyo hadday (quidance)ba. Markaan sidaa arkay waxaan anigu is idhi kol haddaan hayadihii dawladnimo badi shaqadoodii gababeen oo waxbarasho reer walba caruurtiisii dugsiyo u furtay iyo dhakhtar oo cuqaashii iyo Salaadiintii ardaydii iyo bukaankii reer walba isku dubaridaan afar wasaaradood uun baynu u baahanyey oo ah wasaaradda Daakhiliga oo police iyo military leh iyo maxkamado iyo dhawr hayadood waxa kale ha ina dhafaan.  


Wax kasta oo wadanka yaal wax dhaqaalaha wax tara maaha waayo waa alaabo qof keenay oo dibedda laga keenay oo macaash ka rabo badina wuu khasaaraa marka ay is jebiso ee wax la nooca qof kastaa keeno oo cid dawladeed oo hagta lacagta wadanka ka baxaysa iyo badeecadda soo gelaysa ma jirto


Haddii wax soo saar la isku deyi lahaa kahrabad wadanka warshado lagu dhaqaajiyaa ma jirto. Intaas uun baa wadanka ka socota aan Sheegay  taxi kala la idiin sheegaa was HUF IYO BEEN.


Markaan suuqa Hargeysa dhex mushaaxay een labada dhegood fUray dhegna caymiidhan iyo dad dagaalamaya ayaa ka soo galay dhegna qoran iyo eedaan iyo wax wacan, mujtamacii labadaas bay u qaybsameen.


Dawladdiina waxay ku mashquulsantay maan fahmin.

Markaan   Warkan waxaan siinayaa qurba joogta SOMALILAND anigu Somalia war uma hayo. 

BASHE BUURDHEYSTE

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...