Kaftanka Maanta, Maxamed Daahir Riyaale. Ahmed Nour Guruje

0
Sunday March 17, 2019 - 13:36:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaftanka Maanta, Maxamed Daahir Riyaale. Ahmed Nour Guruje

    Sheekaba sheeko ayay keentaaye, sanaddii 2009 maalmihii murankii siyaasadeed ugu xooganaa , axdigii Madaxwayne Riyaale , ayaa xisbigga Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekaba sheeko ayay keentaaye, sanaddii 2009 maalmihii murankii siyaasadeed ugu xooganaa , axdigii Madaxwayne Riyaale , ayaa xisbigga Kulmiye doonay in uu xaflad ku qabsado Hoteelka Crown ee Magaaladda Hargaysa , dabeeto xafladii ayaa dawladdu ka joojisay , ka wuxuu xafladdii ku qabsaday dhir waawayn oo ku taala Hoteelka hortiisa .

Gudoomiyihii Kulmiye ee Axmed Siilaanyo , oo xafladaa ka qudbadaynayay , ayaa dabeeto isagoo la hadlaya Madaxwayne Riyaale ayaa wuxuu yidhi '' Maxamed Daahir Riyaale ha dhaco , ka markaasaa loo saxay , hadana wuu ku celiyay , markaasaa loo saxay hadana wuu ku celiyay .

Waagaas na inkastoo Siyaasiyiin badani xisbiga Kulmiye joogtayna , hadana qofka ugu hadalka badan ee maalin walba hadlaa wuxuu ahaa Siilaanyo , oo isagu ahaa qofka ugu horeeya mucaaradada iyo naqdiga xukuumadda , halka siyaasiyiinta kale u muuqdeen in ay Siilaanyo taageerayaan .

Imika mucaaridka sidaas si ka duwan baa jirta , hadh iyo habeen waxaa saxaafadda la hadla siyaasiyiin kale , musharixiintii xisbiyaduna xagga danbay ayay joogaan , waxaanad moodaa in musharixiintu taageerayaan siyaasiyiintooda , halkii ay ka noqon lahayd in ay u muuqato in siyaasiyiintu taageerayaan musharixiinta , ilaa iyo inta aad ka arkayso , musharax madaxwayne oo xayraan awgii halmaama magaca Madaxwaynahana weli mucaaradidu ma gaadhin meeshii loo baahnaa


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...