Afeef Horaa La Yeeshaa Ama Adkaysi Dambe ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday September 07, 2019 - 10:05:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afeef Horaa La Yeeshaa Ama Adkaysi Dambe ( Abdi-Shotaly).

    Waxa la yidhi "Dhubuq-dhubuq hore dhabana hays dambe bay leedahaye"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la yidhi "Dhubuq-dhubuq hore dhabana hays dambe bay leedahaye"

marka la idin leeyahay qun yar cagaha dhulka dhiga, oo dadka ka daaya boobka, dal-kana burburka ha laga joojiyo, dheg uma dhigtaan, ee xaal-kiinu waa dhaxal aanad lahanaw macaanaa iyo dhabaqsi lagu sare tago, marka la idinku soo qabtana, cabaadka baad ka wadhaan, oo war-baahinta baad ku waalataan, idinka oo been ka sheegaaya wixii aad fasheen, wax aan jirina ku meeraysta, iyo aniga baa awood leh oo waxaan doono samayn kara. Wax la isu qarinaayo baa iska-ba yar, ee bal halkay idinla gaadho sii wadda xidha saxaafadda, baraha bulshadda, youtube-ka, website-yadda, TV-yadda gaarka loo leeyahay, si wacan uga soo hor jeesta xoriytul-qawlka. Waxa kale oo la yidhi nin daad qaaday xumbo cuskay, marka runta la idinku qarxiyo, ee ceeb-tiina banaanka la soo dhigo, joojiya kolba derbi isku qaadka, aad ka warwaree-gaysaan siri-hiina la kashifay, ee hanti boobka ummadda, idinka oo kolba askari yar soo siiya laaluush ah, hebel baa wax iga sheegay ee ii qabta. Waxan idin leeyahay wax qarsooni ma jiraan, ee wax waliba waa daalac yaa shamis, oo wax la isu reebaayo baa iska yar, ee marna tag-tiina, marna tamar-tiin, akhristaw hora aloo yidhi, mid laga fadhiyi waayey, oo aakhirkii runtii ka hor timi sidda " Cali Baqdaadi" Afeef hora la yeeshaa ama ama adkaysi dambe, ee ha joojiyo bac-bacadda iyo kiis iska waalka waa lagu hayaa tuugada'e.

 

Waxa leeyahay Cali Baqdaadi, " Ma taqaanid beenta'e, runta barasha-deedaa, bello kaa hor joogtaa" Maxaad oohinta la wadhaysaa, ee aad kolba derbi isugu qaadaysaa, hal been ah lagaama sheegine. Hadaad is leedahay xaqiiq-daad sacabka saari kartaa, been baad u sheegtay naf-taadda, ee indha-haaga oo shan ah bay ku hor iman doontaa cadceedda oo duhur ah, inta aad ka galgalan kartaana waa wakhti iska yar. Runtu beenta waw cadaw, oo wax kaste oo la dafiraa iyaka baa iska soo baxa, oo xagga samadda baa laga nuuriyaa. Maamulka iyo shaqaalaha Hadhwanaagnews, waa kuwo dal-koodda iyo dad-koodda u daacad ah, xaqa ku adima, soo ban-dhiga wax yaabaha dalka ka socdda iyo aragtidda dad-weynaha, dhibaatadda shicibka lagu hayo, boobka, xaq daradda ka taagan wadanka, sinaan la'aanta, eexdda, kala sooca muwaadiniinta, waa war-baahin u adeegta danaha ummadda, oo aan qof qudha iyo maamul kaaste oo wax is moodda aan u joojin, xataa kan askarta daayoo aan weliggii mid-na ugu habran, ee daaha ka qaadda anshax-xumidda maamulka askarta, ee ay hor boodayaan Labadda askari ee la kala yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan" Iyo dhamaan dhuuni raac-yadda ay ku adeegtaan ee ummadda boqno gooyey. waxa ay walaaqayaan caydhan siddii ayaxa, hantiddii dalku lahaa la kala yaacay, waa la soo shaacinayaa, oo cid is hor tagai kartaa iska yar, ee waa dagaal ka dhexeeya Inta dacadda ah iyo tuugta isu kaashatay xadista xoolahii ummadan tabaalaysan in ay dhacaan, taas si walba looga dhergay.

 

Waxan ku soo xidhay qoraalkan, War la qabaa xiiso ma leh, ee waxan halkan ku soo koobayaa Sababta ay isu raceen " Raggii ma adigaa ka hadhay, Geenyo shaaximan iyo Taani baasto" kuwaas oo Baryo ula tegay, ina geele basalka horjoogaha ka ah Djabuuti, oo u seedi ah labadda Askari ee Taani baasto iyo Raggii ma adigaa ka hadhay. Wax la hayaa oo run ah,  in ay waydiis-teen Hub iyo saanad ciidan, oo ay ku yidhahaeen, waxanu rabnaa hub culculus oo aanu Janaral Caarre Kaga saarno Buurta, balse nasiib darro, wuxu  ku yidhi, kaas ma hayo oo aniga baa u baahan, taangiga keliya baa ah $40 milyan, qoryaha waaweyna buurta qaar maraaya ma aha, oo waa la idinka qabsanayaa. Sidaas awgeed  waxan idinku caawinayaa waxoogaa qoryo yar yar ah oo askrigu qaadan karo iyo miino, iyo rasaas-tooddii, telefoonadda ciidanku kuwadda hadlo, wax intaas dhaafsan ma bixin karo, oo maba haysto, waxa kale oo isna uu waydiistay in uu ay u soo qabtaan "Axmed Geelle Arab", taas oo noqotay "fartu-diidaye, ma fulaa-dhaqay" waa yaabe " Wadaadku faan weynaa, ma sadexdan askari ee kor ku qoran, baa soo qaban kara Axmed Geele Arab. Allay-lehe haday isku kartay, ha isku dhalaasho, waa kuwii diiday qun yar fadhiista'e.

 

* N.B Runtu Beenta Waw Cadaw.

Qore:- Abdi-shotaly.

[email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...