Iclaajyada Dalka. W/Q: Dr: Buux Ibrahim aadam

0
Sunday March 17, 2019 - 13:30:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iclaajyada Dalka. W/Q: Dr: Buux Ibrahim aadam

    Sheikh Axmed Cabdi Xaaji Axmed rugta dabiibka quraanka kariimka in la isku daaweeyo ilaahay baa quraankiisa ku sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheikh Axmed Cabdi Xaaji Axmed rugta dabiibka quraanka kariimka in la isku daaweeyo ilaahay baa quraankiisa ku sheegay in quraanku idiin daawo yahay intaa waxa dhaafsan ma sharcibaa mise waa sharci daro sida daawooyinka dhirta dadka maskaxda ka jiran in lagu hayo qolol cidhiidhi ah oo aan lahayn dhamaan adeegyadii caafimaad ee uu u baahna bukaha maskaxda ka jiran sida daawooyinka dimbirkagoobahii nasashada etc



Barigii hore waxa loo gayn jiray sheikh ku akhriya qofka buka quraan ama cashar biyo quraan lagu akhriyey waxa soo raaci jiray traditional heeler daawo dhaqameed sida hilib daqlaha goyntiisaetc


Iclaajyadu goormay bilaabmeen shaqadoodu sharcigu ma u ogolyahay in ay dad maskaxda ka buka ay ku hayaan goobahooda dadka cilaajyada ka shaqeeya aqoon ma u leeyahiin shaqadan ay hayaan goobta cilaajku ma tahay goob loogu talo galay in lagu daryeelo dadka maskaxda ka jiran oo ay u dhan yahiin baahiyaadkii iyo adeegyadii caafimaad ee uu u baahan yahaybukahu sida dr maskaxda goobo nasasho takale waxa iswaydiin mudan side loola dhaqmaa xoriyada qofka maskaxda ka jiran ee lagu hayo goobahaas cilaajyada


Awooda dawladnimo iyo sharciga dalka ka jiraa ma jirtaa siyaasad cad oo lagula socdo dadka lagu hayo goobaha iclaajyada iyo xaaladooda daryeelcaafimaad


Iclaajyadu waa goobo ay ka socoto shaqooyin badan oo midba nooc ay u taagan tahay waxa jira dalkeena iclaajyo aad u fara badan qaar ka mid ah waxa lagu bixiyaa dawooytin dhir ah oo dalka dibada uga yimaada qaar ka mida waxa laguhayaa dadka ka jiran dhimbirka hadaba waxa haboon in la is waydiiyo aqoon intee leeg ayey u leeyahin iclaajka iyo dabiibkiisa dadka iska leh goobahan iclaajyada wasaarada caafimaadka Somali landmaxaa uga qorshaysan goobahan iclaajyada iclaajyadu ma ku furan yahiin sifo sharci dawladeed ah


Xanuunkadurada JINKA oo ay u badan yahiin dumarka sidelagu kala garan kara xanuunka garashada maskaxa jinka sxirka isha markadadwaynahu ay la xidhiidhayaan goobaha iclaajyada dumarka miyaan loo baahnayn dumar haya


iclaajyadu waxay samaysmeen waqtigii burburkii dawladii hore ee somaalia dalka waxa ka shaqayn jiray awooda shaqo caafimaad ee dawliga ah sida dhakhtarada farmasiyo xadidan iyo tayada daawooyinka dalka iman jiray oo ahaa daawooyin lagu kalsoon yahay waxa soo raaci jiray culumo wadaada oo quraanka kariimka wax ku dabiiba sida ilaahay yidhi quraanku waa idin daawo ee isku dabiiba hadaba waxa loo baahan yahay in dadka maskaxda ka jiran oo u baahan sharci caafimaad oo lagu daaweeyo lagula dhaqmo daryeelkooda caafimaad iyo goobo ku haboon oo loogu talo galay in ay ka helaan dhamaan baahiyaadkii caafimaad ee ay u baahnaayen



DR: Buux Ibrahim aadam

EMAIL: [email protected]

00252 63 4130821

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...