War Deg Deg Ah:-Xukuumada Oo Albaabada Iskugu Dhufatay Xaruntii Telefishanka Horyaal24tv Ee Hargeysa Iyo Xaaladaha Keenay

0
Friday September 06, 2019 - 19:14:11 in News by
  • Visits: 4619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Xukuumada Oo Albaabada Iskugu Dhufatay Xaruntii Telefishanka Horyaal24tv Ee Hargeysa Iyo Xaaladaha Keenay

    War Deg Deg Ah:-Xukuumada Oo Albaabada Iskugu Dhufatay Xaruntii Telefishanka Horyaal24tv Ee Hargeysa Iyo Xaaladaha Keenay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Xukuumada Oo Albaabada Iskugu Dhufatay Xaruntii Telefishanka Horyaal24tv Ee Hargeysa Iyo Xaaladaha Keenay

Hargeysa(HWN):-xukuumada somaliland ayaa albaabada iskugu dhufatay telefishanka Horyaal24tv oo ka mid ah warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha somaliland.

Ciidamada amaanka ayaa goor dhawayd soo xidhay xarunta uu telefishankaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa, iyada oo laga dareeriyey dhamaan hawl wadeenadii loogu tagay.

Image result for horyaal24tv

Sidoo kale hawl wadeenada telefishanka ayaa shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews u xaqiijiyey in ciidamada amaanku ay xidheen xarunta telefishankaasi, waxaanay intaasi raaciyeen in waaran qabasho ah lala raadinayo gudoomiyaha telefishankaasi Maxamed Cismaan Mire(Sayid).

Xadhiga telefishanka horyaal24tv ayaa imanaya wakhti cabasho balaadhan laga muujinayo barnaamij uu dhawaan baahiyey hordhaciisa.

Telefishanka Horyaal24tv ayaa noqonaya hay’addii labaad ee warbaahineed ee todobaad gudihii ay xukuumadu xayiraad ku soo rogto iyada oo haatan soo kordhayaan caqabadaha ka dhanka ah saxaafada madaxa banaan ee xukuumada ka soo fulaya.

Loading...
Loading...