Soomaaliya Oo 1-0 Kaga Badisay Zimbabwe
Soomaaliya ayaa looga dabbaaldegay guusha ay xulka qaranku kasoo hooyeen ciyaar
shalay ka dhacday dalka Jabuuti.
Ciyaarta
waxaa iskaga horyimid kooxda Soomaaliya iyo kooxda Zimbabwe, waxayna ahayd
is-araggii hore ee is-reebreebka tartanka Koobka Adduunka oo 2022-ka lagu
qabanyo dalka Qadar.
Soomaaliya
waxaa goolka u dhaliyey ciyaaryahan Anwar Siid Cali oo dhaliyey daqiiqadii
86-aad kadib markii uu madaxa ku dhaliyey.
Ciyaarta
is-araggeeda labaad ayaa Axadda soo socota ka dhacaya magaalada Bulawayo ee
dalka Zimbabwe.
Soomaaliya
waxay xagga dambe kaga jirtaa liiska waddamada ugu hooseeya heerka kubadda
cagta qaaradda Afrika, hase yeeshee waxay shalay si xarrago leh uga badisay
Zimbabwe oo ka mid ah kooxaha ugu fiican qaaradda.
VOA
Loading...
Loading...


0 





