Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Zimbabwe Robert Mugabe Oo Geeriyooday.
sano kadib dhammaadkii xukunka caddaanka laga tirada badan yahay, ayaa maanta geeriyooday.
Waxa uu ahaa 95 jir.
Lama shaacin sababta rasmiga ah ee dhimashadiisa, hase yeeshee
caafimaadka Mugabe ayaa sii xumaanayey tan iyo markii xukunka laga tuuray
sanaddii 2017.
Mugabe ayaa ka tagay dhaxal cakiran kadib 37 sano oo ah xukun ay
kusii kordheysay kali-talisnimo.
Sanadihii uu da’da yaraa, waxa uu hoggaamiyey dhaq-dhaqaaq
jabhadeyn ah oo horseeday madax-bannaanida Zimbabwe. Waxaa xilligaas lagu
qeexay halyeyga xoriyadda ee gudaha iyo dibedda ee mustacmaraddii British-ka ee
mar loo yaqiin Rhodesia.
Waxa uu dadka Zimbabwe ku booriyey inay heshiiyaan kadib dagaal
sokooyey oo dalka la degay sanadihii ugu dambeeyey ee gumaysiga.
Waxa uu ballaariyey hanaanka waxbarashada iyo caafimaadka dalka,
isaga oo ka dhigay mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan Africa.
Hase yeeshee, wuxuu waqtigu socdaba, waxaa kasii lumayey
dul-qaadka in la mucaarado, wuxuuna wajahay eedeymo sii kordhayey oo ku saabsan
xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, cadaadis joogto ah, iyo ku-shubasho
doorashooyin.
Waxa uu beerihii ka qaaday caddaanka kuna wareejiyey madowga,
taasi oo horseedday cuna-qabateyn ay Reer Galbeedka saareen isaga iyo
xulufadiisa.
Sanaddii 2008, sicir-bararka Zimbabwe ayaa cirka galay oo gaaray
heer aan caadi ahayn oo ah 231%, taasi oo illaa iyo maanta taagan.
Markii uu sii gaboobayey ee uu galay da’da 90-aadka, waa uu sii
tabar daroobay, waxaana xaaskiiska, oo aanay shacabka jecleyn, ay isku
diyaarisay inay xukunka kala wareegto.
Militariga ayaa taas ka hor-tagay kalana wareegay xukunka bishii
November ee 2017. Waxaa beddelay madaxweyne ku-xigeenkiisa muddada fog,
Emmerson Mnangagwa.
VOA


0 





