Haweeney 73 Jir Ah Oo Mataano Dhashay
Dhaqaatiirta
waxay sheegeen in hooyada iyo ilmaha ay xaaladdooda wanaagsan tahay.
Haweeneydan
oo lagu magacaabo Mangayamma Yaramati waxay sheegtay in ninkeeda oo 82 jir ah
ay hadda ka hor ilmo la'aan ahaayeen balse hadda ay heleen labo gabdhood oo
mataano ah.
"Si
weyn ayaan u faraxsanahay" ayuu yiri Sitarama Rajarao oo ah aabaha dhalay
mataanaha.
Waxaa
uu sheegay in xaaskiisa ay uur qaaday markii muddo 2 bilood loo bilaabay
daweynta ukxaanteeda.
"Marar
badan ayaan isku daynay in aan helno carruur, waxaana la kulanay dhaqaatiir
badan, maanta, waa maalinkii ugu farxadda badnaa nolosheyda" ayay tiri
Mangayamma Yaramati.
Waxay
sheegtay in hadda ka hor ay dhibaatooyin kala kulantay dadka deegaanka gaar
ahaan in dadka kale laga soocay xita mararka waxay sheegtay in laga hor
istaagay ka qeyb galka goobaha bulshada ay isugu yimaadaan maadama aysan wax
carruur ah laheyn.
"Waxay
ugu oran jireen haweeneydii aan carruurta laheyn"
Sannadkii
2016-kii ayay aheyd markii haweeney u dhalatay Hindiya oo 70 jir ah ay dhashay
wiil.
BBC


0 





