Maxkamadda Cadaalada Adduunka Oo War Ka Soo Saartay Dib U Dhigga Dacwadda Badda Ee Kenya Iyo Soomaaliya
dhegeysiga kiiska badda ay ku muransan yihiin Kenya iyo Soomaaliya, ayaa muddo laba bilood ah dib u dhigtay.
War qoraal ah oo ka soo baxay
maxkamadda ayaa lagu sheegay in maxkamadda ay go'aansatay in dib loo dhigo
dacwadda badda, taas oo hadda loo asteeyay 4 ta bisha Nofembar ee sanadkan.
Maxkamadda ayaa sidoo kale
sheegtay in go'aan kan ay gaadhay kadib codsi uga yimid Kenya, kaas oo ahaa in
kiiska dib loogu dhigo.
"Maxkamadda ayaa go'aankan
gaadhay iyadoo ka duuleyso codsigii uga yimid jamhuuriyadda Kenya 3-dii bisha
Sabtemabr 2019-ka, isla markaana tixgalineyso codsiga Soomaaliya ee ku aadan
arrintan", ayaa lagu sheeay war qoraal ag oo ka soo baxay maxkamadda.
Warbaahinta Kenya ayaa kusoo
warrantay in Kenya ay codsigan dalbatay, si ay u qoroto qareenno cusub. Kiiskan
ayaa meel xun gaarsiiyay xiriirka labada dal ayaa la filayaa in maxkamadda ay
go'aan ka gaarto cidda leh aagga badda ee lagu muransan yahay.
Danjire Cali Siciid Fiqi oo ah
safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladdiisa aysan la
dhacsaneyn go'aanka maxkamadda, balse ay u hogaansamayaan.
"Anagu waam ku
qanacsannahay, waayo markii hore ee aan doodda geynay waxaan codsanay inaan dib
loo dhigin, laakiin haddii ay maxkamadu gaartay laba bilood wax dhib ah uma
aragno," ayuu yiri safiir Fiqi.
Dacwadda ayaa hadda lagu wadaa
inay maxkamadda dhegeysigeeda bilowdo 4-ta Nofembar 2019.
Kulankii Addis
Ababa
Guddiga Amniga iyo Nabadda Afrika
oo maalin ka hor shir ku yeeshay Addis Ababa, ayay Kenya ka sheegtay inay
dooneyso in dacwadda ku saabsan badda ay isku hayaan Soomaaliya lagu xalliyo
wadahadal, dibna loo dhigo si ay u qorato qareenno xooggan oo difaaca.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda
ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Khayr ayaa kulanka
guddiga amniga ee Midowga Afrika ka sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay
in dacwaddan lagu dhammeeyo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo ay hor taallo.
Dalka looga guulaysto kiiska ayaa
waxa uu waayi doonaa boqol kun oo KM2 oo ah aag ka tirsan badweynta Hindiya oo
la rumaysan yahay inay ku jiraan shidaal iyo gaas badan.
BBC


0 





