Ciidamada Amaanka Oo Raadinaya Gudoomiyaha Mid Ka Mid Ah Telefishanada Ka Hawl Gala Somaliland

0
Friday September 06, 2019 - 00:45:06 in News by
  • Visits: 5988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Amaanka Oo Raadinaya Gudoomiyaha Mid Ka Mid Ah Telefishanada Ka Hawl Gala Somaliland

    Ciidamada Amaanka Oo Raadinaya Gudoomiyaha Mid Ka Mid Ah Telefishanada Ka Hawl Gala Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Amaanka Oo Raadinaya Gudoomiyaha Mid Ka Mid Ah Telefishanada Ka Hawl Gala Somaliland

Hargeysa(HWN):-Ciidamada booliska somaliland ayaa raadinaya gudoomiyaha telefishanka Horyaal24tv ee xaruntiisa ugu weyni tahay magaalada Hargeysa.

Ciidamada amaanka oo raadinaya gudoomiyaha telefishanka Horyaal24tv ayaa tagay xarunta ay hay’addaas warbaahineed ku leedahay magaaladda Hargeysa iyaga oo ka waayey isla markaana dib uga noqday.

Image result for maxamed cismaan mire sayid

Suxufi Siciid Cagjar oo ka mid ah hawl wadeenada telefishankaasi ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay yimaadeen xarunta telefishanka balse ay dib iskaga noqdeen ka dib markii ay waayeen gudoomiyaha guud ee Maxamed Cismaan Mire Sayid, waxaanu xusay in gudoomiyaha oo uu la xidhiidhay u sheegay inuu u tagayo ciidamada amaanka ee raadinaya balse uu ilaa hada telefankiisii xidhan yahay.

Sidoo kale suxufi Siciid Cagjar ayaa sheegay inaanay jirin ciidamo ku sugan xarunta telefishanka isla markaana uu tvgu shaqaynayo.

Sababta ugu weyn ee ciidamada amaanka somaliland u daba joogaan gudoomiyaha telefishanka Horyaal24tv ayey wararku sheegayaan inay la xidhiidho barnaamij uu dhawaan hordhaciisa baahiyey kaas oo buuq badani ka dhashay.

Loading...
Loading...