Marwo Edna Aadan Oo Ka Dayrisay Halka Cadawgu La Marayo Somaliland Fariina U Dirtay Shacabka
Hargeysa(HWN):-Ergayga gaarka ah ee somaliland u qaabilsan wada hadalka soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil ayaa kulan balaadhan oo soo dhawayn ah la qaadatay jaaliyada somaliland ee magaalada Toronto ee wadanka Canada.
Marwo Edna Aadan oo hadal ka soo jeediyey kulan soo dhawayn ah oo loo qabtay ayaa ka digtay halka ay somaliland maanta la marayso soomaaliya, iyaga oo fariin culusna u dirtay shacabka somaliland.
![]()
Marwo Edna Aadan oo ugu horayn midnimo iyo isku duubni ugu baaqaysa jaaliyada somaliland ee wadanka Canada ayaa waxay tidhi "Waxaan doonayaa oo idinka rajaynayaa kuna ducaysanayaa idinka oo kala gobol ah kala xisbi ah kala dan ah in sida cadawgeenu uga midaysan yahay ishortaageena aad uga midawdaan wixii aad somaliland u qabanaysaan, buudhigaas ayeynu wada saaranahee.”
Marwo Edna Aadan oo ka digaysa halka ay soomaaliya haatan la marayso somaliland ayaa waxay tidhi "Somaliland maanta meesha ay marayso hadaynaan ka soo qaban, libaaxu wuu la sii socdaa oo neefkii cunaha ayuu qabtay waanu sii jiidayaa ee haddii aynu ka dhacsan wayno aynu ka quusano oo aynu isdhiibno hadiyadana u sii raacino oo aynu sii dayno somaliland meel fog ayaa lala sii socdaaye.”
Sidoo kale Marwo Edna Aadan oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaas raaciyey "Halkii aan kaga tagay 15sanadood ka hor meel aad uga durugsan ayaa somaliland maanta lala sii marayaa, dadkaas aynu isleenahay somaliland ka soo dhacsada way midaysan yihiin, wax kastaana ha dhexyaalaan oo gobolo ayey u kala jabeen oo madaxweyneyaal ayey samaysteen haday doonaana gobolada dalkooda way iska mamnuucaan oo mid waliba gobolkayga ka iman kartid hebelow, ka madaxweynaha sheeganayowna gobolkaas ma iman kartid laakiin waxay ka midaysan yihiin somaliland yaanay dhaqaaqin waxa ay hayaan oo dhana way u huraan, Somaliland yaanay dhaqaaqin yaanay neefsanin yaan la aqoonsan, waxaanay ka midaysan yihiin inay ishortaagaan jiritaanka somaliland.”
Sidoo kale marwo Edna Aadan ayaa jaaliyada somaliland ee Toronto ugu baaqday in ubadkooda ay ku barbaariyaan in wadanka ay leeyihiin uu yahay somaliland.


0 





