Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Hay'adda UNICEF

0
Sunday March 17, 2019 - 13:15:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Hay'adda UNICEF

    Hargaysa -(HWN)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa -(HWN)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo Mr. Steven Lauwerier oo ka socda hay'adda UNICEF oo uu wehelinaayo Yahaya Balima oo ah madaxa xafiiska Unicef ee Somaliland.


Safarka uu Steven Lauwerier ku yimid Somaliland ayaa ah indho indhaynta hawlaha ay UNICEF ka wado gudaha Somaliland sida ay u socdaan iyo halka ay marayaan, madaama oo wakhtigii loo magacaabay xilkani uu yahay gabaabsi dhawaana laga bedeli doono xafiiska Unicef ee Somaliland iyo Soomaaliya uu ugu magacawnaa Mr Steven.



Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha samafal ee hay'adda UNICEF ka waddo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaguna uu ugu sii wareejin lahaa cida ka bedeli doonta xafiiska.


Madaxweyne ku xigeenka waxa kulankaasi ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland. Maxamed Cali Bile iyo Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay, Maxamed Warsame Ducaale.

Loading...
Loading...