Arday Ka Qalin Jabiyay Macaahida AL Dacwa Oo Hargaysa Munaasibad Balaadhan Loogu Qabtay.
Hargaysa(HWN)Macadka Darasaadka islaamka Ee Al Dacwa ayaa Maanta Munaasibad balaadhan oo ay soo qaban-qaabiyeen waxa ay ku sagootiyeen Arday baratay luuqaddaha carabiga iyo shareecadda islaamka.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb-galeen maamulka iyo macalimiinta Macadka Al Dacwa iyo marti sharaf kale ayaa waxa lagu sagootiyay dufcadii shan iyo tobnaad ee ka qalin jabisay macadka,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen maamulaha guud ee macaahida Al Dacwa Sheekh Cabdiraxmaan Cumar Cigaal, Sheekh Maxamed Cali Geedi,Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Kaariye, Iyo Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Beder Sheekh Aabi Cali Maxamed.

Ardaydan Saaka Loo Sameeyay Sagootinta ayaa waxa ay Tiradoodu dhamayd laba boqol iyo sideetan Arday oo dhamaystay Barashadda Shareecadda islaamka iyo Luuqaddaha Carabiga ee macadku bixiyo.

Ugu Horayn waxa munaasibada Furay Maamulaha Guud ee Macaahida Al Dacwa waxaana uu ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Maraakista Al Dacwa waxaana uu yidhi.

"Macadka Al Dacwa waxa la Aas-aasay 2013kii sida aad arkaysaan waxa lagu dhigtaa culuumta ku saabsan diinta islaamka,culuumta shareecadda qaybaheeda kala duwan iyo barashadda luuqadda carabiga waxaana uu macadku u taagan yahay in kor loogu qaado barashadda culuumta diiniga ah,markaas sidaad idinku arkaysaan dufcadan maanta aynu sagootinaynaa waa dufcadii shan iyo tobnaad,markaas ardaydii hore ee macaahida al Dacwa ka baxdayna halka ay tageena waanu ognahay oo way og-yihiin sida ay ugu meel mareen cilmiga loo dhigay.

Intaas waxa uu ku daray Maamulaja Guud Ee Macaahida AL Dacwa isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”Ardaydii hore ee macaahida al dacwa ka baxday guulaha ay gaadheena waxa ka mid ah in ay iyagu maanta dhigaan macaahida iyo qaar kale oo cilmigii soo wadda markaas ardaydeenu guul ayay gaadheen oo boqolaal kalena waxa ay ka baxeen jaamacaddaha dalka.

Maamule Sheekh Cabdiraxmaan Cumar Cigaal ayaa sheegay inuu maanta ku faraxsan yahay in ay maamuusaan arday soo baranayay cilmiyo kala duwan.”Maanta waxa aynu halkan ku sagootinaynaa arday baratay wixii la barto wixii ugu qiimaha badnaa oo ah shareecada islaamka aad ayaan ugu mahad naqayaa uguna faraxsanahay.
Sheekh Cali Geed ayaa sheegay in Macaahida Al Dacwa ay ku Amaanayaa kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan in ay markasta kor u soo qaadayaan barashadda diinta islaamka iyo luuqadda carabiga,waxaana uu sheekhu cadeeyay in macaahida al Dacwa ay dalka kaga jiraan meel aad u fiican.

"Macaahida Al dacwa waxaan ku amaanayaa sida ay markasta iskugu hawleen in ay kor u qadaan aqoonta shareecadda oo ah aqoon la barto aqoonta ugu wanaagsan markaas waxaan leeyahay dalkeena qiimo badan ayay ku leeyihiin oo wixii ilaahay ina faray ayaa lagu dhigaa,waxaana soo jeedin lahaa in xukuumad ahaan la taageero oo dhiiri galin lasiiyo macaahida al Dacwa.

Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Kaariye, Iyo Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Beder Sheekh Cali Aabi oo iyaguna madasha ka hadlay ayaa sheegay in macaahida al Dawca ay u taagan yihiin in ay kor u soo qadeen barashadda shareecadda islaamka iyo luuqadda carabiga.

Gaba-gabadii Maamulka Iyo masuuliyiinta Macaahida Al Dacwa ayaa shahaadooyin ku taxay ardaydii ka qalin jabiyay,waxaana ay kula dardaarmeen ardaydan qalin jabiyay in ay sii wadaan cilmiga ay barteen ee aanay kaga hadhin halkaas ay maanta joogaan.











0 





