Dawlada Somaliya Oo Sheegtay In La Xidhayo Qaar Kamid Ah Iskuulada + Sababta.
Muqdisho (HWN) –Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliya
ayaa maanta sheegay in Maalinta Axadda ah ee soo socota uu dalku yeelanayo Guddiga tacliinta
sare ee dalka, kuwaas oo la socon doona heerka tayada Waxbarashada sare ee dalkaas.
Dhinaca kale Wasiir
Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in 30% oo kaliya ay ardayda Soomaaliyeed
helaan Waxbarasho halka 70% ay guri joog iska yihiin.
Waxaa uu sheegay in
ardeydaas u nugul yihiin ka qeybgalka colaadaha Dalka loona baahanyahay in
arrintaas wax laga qabto.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Imtixaan ay ka qaadeen Macalimiinta Hoose iyo dhexe 22% kaliya ay u qalmaan in ay macallimiin noqdaan isaga oo soo jeediyay in sidoo kale 78% Macallimiinta wax la baro.
Loading...
Loading...


0 





