Somaliland: Cabsi Xoogleh Oo Xil Ka Qaadiseed Oo Soo Food Saartay Wasiiro Door Ah

0
Sunday March 17, 2019 - 10:36:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Cabsi Xoogleh Oo Xil Ka Qaadiseed Oo Soo Food Saartay Wasiiro Door Ah

    Somaliland: Cabsi Xoogleh Oo Xil Ka Qaadiseed Oo Soo Food Saartay Wasiiro Door Ah Iyo Qaar Ka Mid Ah Oo Lacago Ku Bixinaya Qoraalo Lagu Amaanayo Si Ay Uga Badbaadaan Isku Shaandhaynta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Cabsi Xoogleh Oo Xil Ka Qaadiseed Oo Soo Food Saartay Wasiiro Door Ah Iyo Qaar Ka Mid Ah Oo Lacago Ku Bixinaya Qoraalo Lagu Amaanayo Si Ay Uga Badbaadaan Isku Shaandhaynta. Daraasad La Sameeyay Oo Aan Wali La Baahin Oo Lagu Qiimeeyay Waxa Ka Dhaboobay Qorshayaashii Sanadkii Hore Ee Hay’addaha Dawladda Iyo Miisaaniyaddii La Isticmaalay Waxa Ku Ceeboobay Wasiirka Beeraha Oo Ay Beenoobeen Wixii Uu Warbaahinta Umadda Uga Baahin Jiray.


Inkasta oo aan si dhab ah loo ogayn wakhtiga ay soo baxayso isku shaandhayn mudooyinkan dambe aad loo hadal hayo oo uu Madaxweyne Muuse Biixi ku samaynayo Golihiisa Xukuumadda, haddana waxa ay cabsi weyn soo waajahday Qaar ka mid ah wasiiradda, oo uu ugu horeeyo Wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed oo ku hawlan lacago uu ku bixinayo Qoraal lagu amaanayo oo lagaga dhigayo inuu yahay ka keli ah ee Xilkii loo igmaday kasoo baxay.



Akhri Qoraalkan Hoos Ku Qoran Oo Saacadihii Lasoo Dhaafay Lagu Kala Diray Email Door Ah Iyo Magacyadda Wasiiradda Lagu Amaanayo.


"Wasiirada sanadka iyo dhowrka bilood hayey xilka waxan ARAGTIDAYDA muwaadinimo Ku cabiray in Afar Wasiir oo ka mid ah mooyee inta kale kaa noqdeen boosbuuxin ama xubno khibrad hogaamineed ka madhan.


Sidaasi awgeed Mudane Madaxwayne waxaan Aragtidayda muwaadinimo Ku qiimeeyey in Afar Wasiir oo kala ah Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Arimaha Dibadda Iyo Wasiirka Caafimaadka afartaasi wax an Ku qiimeeyey wasiiro Ku suntan degenaansho hogaamin iyo khibrada qarankani marxaladihii uusoo maray xogogaal u ah Hadaba MD.Madaxwayne waxan kuusoo jeedinayaa inaad ISBEDEL Ku samayso Golaha wasiirada waxanan Talo kugu siinayaa in xulashada Wasiirada aad Ku qaadanaysaa ay NOQOTO Aqoon iyo khibrad hogaamineed marxaladaha dalkani balse qurbajoog waxba Kusoo kordhin maayaan ibedalada horumarineed shacabku ka sugayo xukuumadooda wabilaahi towfiiq.”ayaa lagu soo koobay qoraalka.


Wasiiradda sida weyn cabsida u qaba ee aadka loo hadal hayo ee ku fashilmay xilkii loo igmaday ayaa waxa ugu horeeya Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo isagu kaw ka aha ragga qoraaladdan dabada ka riixaya ee kalsooni darada baahsani hayso. Qaar ka mid ah Shaqaalaha Beeraha ayaa qoraaladdan u kala dirayay Warbaahinta waxaanay taasi marag u tahay ku lug lahaanshiyaha qoraaladdan amaanta ah.


Axmed Muumin Seed ayaa intii uu xilka hayay waxa uu iska dhisay oo lacagta ugu badan uu galiyay warbaahinta, waxaana lagu tilmaamaa masuulkii ugu isticmaalka badnaa warbaahinta ee haddana ku fashilmay xilkii loo igmaday. Daraasad Madaxtooyaddu samaysay oo aan wali la baahin oo lagu qiimeeyay waxa ka dhaboobay qorshayaashii sanadkii hore ee Hay’addaha Dawladda iyo Miisaaniyadda la isticmaalay waxa kaalinta koowaad ka galay Wasiirka Beeraha oo ku ceeboobay islamarkaana ay beenoobeen wixii uu warbaahinta umadda uga baahin jiray. Waxa uu waxqabadkiisii ku soo koobay Jawaano kooban oo sarac awalba kasoo bixi jiray ahaa oo ay Mashruuca banka wajaale Ciidamadda kala duwani ka beeri jireen. Guud ahaan mashaariicdii kale waxay noqdeen been iyo waxaanay waxba ka jirin, waxaana suurtagal ah inuu safka hore ka galo Masuuliyiinta xilkooda ku waayaya.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...