Soomaaliya Oo Diyaarinaysa Masuuliyiinta Goob Joog Uga Noqonaya Dacwada Bada Oo Bilaabmaysa Todobaadka Dambe.

0
Wednesday September 04, 2019 - 02:42:07 in News by
  • Visits: 2940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Oo Diyaarinaysa Masuuliyiinta Goob Joog Uga Noqonaya Dacwada Bada Oo Bilaabmaysa Todobaadka Dambe.

    Soomaaliya Oo Diyaarinaysa Masuuliyiinta Goob Joog Uga Noqonaya Dacwada Bada Oo Bilaabmaysa Todobaadka Dambe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya Oo Diyaarinaysa Masuuliyiinta Goob Joog Uga Noqonaya Dacwada Bada Oo Bilaabmaysa Todobaadka Dambe.

Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa si weyn ugu diyaar garoobaysa fadhiyada ay maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ ka yeelanayso dacwada bada ee u dhaxaysa wadamada Kenya.

Maxkamada caalamiga ah ee ICJ ayaa fadhi ka yeelanaysa dacwada bada ee u dhaxaysa wadamada soomaaliya iyo Kenya marka la gaadho 09/09/2019 isla markaana soo gaba gabayn doonta dhagaysiga dacwada 13/09/2019.

Wefti uu hogaaminayo raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo wefti uu hogaaminayo ayey dawlada soomaaliya u dirtay inay ka qayb galaan dhagaysiga fadhiga ay maxkamada caalamiga ah ee ICJ ka yeelanayso dacwada bada ee ay soomaaliya u gudbisay maxkamada.

Image result for mahdi maxamed guuleed

Dawlada soomaaliya ayaa ku adkaysanaysa in maxkamada ICJ ka garnaqdo dacwada xuduuda bada ee ay ka qabaan wadanka Kenya isla markaana ay u hogaansami doonaan go’aanka ka soo baxa maxkamada halka dawlada Kenya ay dedaal ugu jirto in dacwadaas laga soo saaro maxkamada isla markaana dibada lagu dhameeyo.

Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawrayaa fadhiga ay maxkamadu ka yeelan doonto dacwada bada ee u dhaxaysa soomaaliya iyo Kenya iyo natiijada ka soo bixi doonta.

Loading...
Loading...