Dawlada Kenya Oo Dalbatay In Dacwada Bada Ee U Dhaxaysa Soomaaliya Laga Saaro Garsoore Cabdiqawi Iyo Sababta Keentay

0
Tuesday September 03, 2019 - 19:20:46 in News by
  • Visits: 2655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Kenya Oo Dalbatay In Dacwada Bada Ee U Dhaxaysa Soomaaliya Laga Saaro Garsoore Cabdiqawi Iyo Sababta Keentay

    Dawlada Kenya Oo Dalbatay In Dacwada Bada Ee U Dhaxaysa Soomaaliya Laga Saaro Garsoore Cabdiqawi Iyo Sababta Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Kenya Oo Dalbatay In Dacwada Bada Ee U Dhaxaysa Soomaaliya Laga Saaro Garsoore Cabdiqawi Iyo Sababta Keentay

Dowladda Kenya ayaa dalbatay in dhageysiga wajiga labaad ee dacwada Badda laga saaro Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ah shaqsi asakiisu Soomaali yahay.

Maxkamadda waxaa dacwadan u gudbiyay Gudoomiyaha Madasha Pan Africa David Matsanga waxaana uu doonaya in uu muujiyo in garsooraha ugu sarreeya Maxkamadda ICJ Cabdulqawi Axmed Yusuf uusan sharci ahaan ku habooneyn kiisKa maxkamadda ka bilaaban doona sagaalka bishan.

Codsigiisa ayaa Matsanga waxaa uu ku sheegay in Garsooruhu uu meel kale uga hadlay Kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya taasoo keeneysa Khilaaf dan ku saleysan maadaada uu garsooruhu yahay muwaadin Soomaaliyeed.

"Natiijo aan dhex-dhexaad ahayn oo eex ah ayaa kiiska ka dhalan doonta” sida uu sheegay ninkan kiiska geeyay maxkamadda.

"Dan ayaan ka leenahay kiiska maadaama ay ku lug leeyihiin dalal u dhashay Bariga iyo Geeska Africa” ayuu Matsanga ku sheegay qoraalka uu maxkamada geeyay.

"Mudaawinka Soomaaliyeed qalbigiisu Soomaalida ayuu u dhow-yahay” ayuu yiri waxaana uu hadalkiisa ku sii daray in uu Cabdul Qawi meel ka baxsan Maxkadda uu uga hadlay arrinta badda taasoo aan loo ogoleen garoosrayaasha.

Dowladda Kenya ayuu ugu baaqay inaysan ka qayb gelin dhageysiga dacwadda haddii uu Cabdulqawi Axmed Yuusuf ka mid noqodo garsooreyaasha dacwadda dhageysanaya.

Loading...
Loading...