Suldaanka Guud Ee Beesha Barriga Burco Oo Shacabka Somaliland Usoo Jeediyay Inay Nabada Ilaashadaan

0
Tuesday September 03, 2019 - 18:11:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaanka Guud Ee Beesha Barriga Burco Oo Shacabka Somaliland Usoo Jeediyay Inay Nabada Ilaashadaan

    Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse Hargeysa (HWN)-Suldaan  Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, ayaa ku taliyey in samaha iyo wanaaga laga taliyo, lagana dheerado wax kasta oo dhib keeni kara.

 

Suldaanka guud ee Beesha Barriga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "ALLE raxmaadkiisa wuu inoo shubay,roobkuna si fiican buu inoogu da’ay, inkasta oo ay jiraan meelo aanu ku di’in iyo meelo uu ku yar yahay, haddana mar walba waxaynu ALLE ka baryeynaa inuu raxmadiisa oo khayr qabta ina wada gaadhsiiyo, oo uu inoo wada shubo, waxaan ALLE ka baryeynaa inuu khayr ina siiyo, inagana ilaaliyo abaaraha, nabadgalyo darada, dhibaatooyinka, colaadaha iyo wixii la midkaba ahba,  hadh iyo habeena waan ducaynayaa ee samaha aynu ogaano, oo nabada aynu ilaalino, oo dhibaatooyinka aynu iska ilaaliyo,dhib kasta oo jirtana aynu wanaag ku dhamayno”


Loading...
Loading...