Duqa Muqdisho Oo Kulan Madaxtooyada Kula Qaatay Masuuliyiin Ka Tirsan Madaxtooyada Somaliya.

0
Tuesday September 03, 2019 - 14:30:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho Oo Kulan Madaxtooyada Kula Qaatay Masuuliyiin Ka Tirsan Madaxtooyada Somaliya.

    Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo ah duqa cusub ee Muqdisho isla markaana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo ah duqa cusub ee Muqdisho isla markaana
ah Gudoomiyaha Maamulka gobolka banaadir ayaa booqday madaxtooyada Somaliya.

 

Gudoomiyaha ayaa xarunta madaxtooyad SOmaliya kulan kula yeeshay Agaasimaha madaxtooyada Somaliya Dr. Nuur Diiriye (Fuursade) iyo qaar kamid ah hawlwadeenada qasriga madaxtooyada Somaliya.

 

Kulankan ayaa laga wada hadlay  hawlaha horumarineed ee ka jira Gobolka Banaadir, xaaladda amni ee Caasimadda Muqdisho iyo sidii arrimaha amniga loo dardar-gelin lahaa.

 

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Agaasimaha Madaxtooyada uu ballanqaaday in ay gacan muuqata ka geysanayan dhammaan dadaalada lagu horumarinayo gobolka iyo hirgelinta adeegyada aasaasiga ah, ee ay u baahan tahay bulshada Muqdisho.

 

Duqa Muqdisho ayaa Agaasimaha Madaxtooyada kaga mahadceliyay soo dhawayntiisa iyo taageerada uu u muujiyay, waxaa uu intaa ku daray in Maamulka Gobolka Banaadir oo shacabka kaashanaya uu xoogga saari doono, sidii loo heli lahaa caasimad qurxoon oo amni ah.


Loading...
Loading...