Ujeedada Safar Uu Madaxwaynaha Somaliland Ugu Amba Baxay Maanta Dalka Jabuuti SAWIRO

0
Tuesday September 03, 2019 - 11:31:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 6336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Safar Uu Madaxwaynaha Somaliland Ugu Amba Baxay Maanta Dalka Jabuuti SAWIRO

    Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta U Ambo-Baxay Dalka Jabuuti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta U Ambo-Baxay Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03-09-2019 safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aynu jaarka iyo walaalaha nahay.



Safarkan shaqo oo qaadan doona muddo kooban ayaa isla maanta markay gaadhaan dalka Jabuuti weftiga madaxweynuhu waxay si rasmi ah u gudo-geli doonan hawlaha shaqo ee ay dalkaasi u tageen.


Ujeedada safarka madaxweynuhu wuxuu daaran yahay xoojinta xidhiidhka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.


Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga.



ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Loading...
Loading...