Hargeysa Caasimad Hiil U Bahna
Asc dhamaan shacab weynaha jamhuriyada somaliland meel kasta oo aad joogtaan
waxaan halkan uga mahad celinayaa dhamaan shaqaalo weynaha shabakada
caalamiga ah ee hadhwanaag news waxaanan ugu mahad celinaya siday
bulshada ugu haqabtiraan wararka iyo dhacdooyinka dalka iyo dibada
Haddan u gudo galo mawducan runtii waad ka dharagsantihiin xaalka ay
ku sugantahay caasimadii dalku taasi oo laf jab ku ah qaranka somaliland
dhamaantiin waxaad ka war qabtaan in waddoyinka caasimada qaarkood aan
wax dibu u habayn ah lagu samayn tan iyo waagii dawladii siyaad bare
waana wax laga xumaado in golayaashii deegaan ee kala danbeyay in anay waxba soo kordhin
Hargeysa sidaa aad la wada socotaan xiligan waa xiligay ugu nasiibka
xumaday waxaan u sabab ah golaha deegaanka uu hogaaminyaao maayir(
solteco)kuwaas oo ku fogaan xoolo urursi balse ilaaway shaqadii loo
doortay
ma jiraan meelo ay ka baxaan biyaha roobku waana sababta ay u dhacaan dhibaatooyinka soo noqnoqda
Hargeysi hadday sidan si ahaato wax dhici kara alle inaguma keene ina
magaaladu baabado oo roobabka wax yeelo waa weyn u geystaan waayo
magaalada hargeysi waa ceel sida aad lo wada soctaan
Gabogabo
Hargeysii hiilbay rabtaa waxay rabtaa mayir u shaqeeya ee aan ka
shaqaysan waxay rabtaa gole degaan oo u adeega shacabkii soo doortay ee
ma rabto gole deegaan oo ka dhunta shacabka
xukumada dhexe waxaan ka codsanyaa inay dabo gal ku samayso golayaasha deeganka casimada iyo kuwa kale ee dalka
Alla mahad leh
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...