Manta Waxaynu Falanqaynaynaa Raysal Wasaare Abiy Axmed (Q 16aad E Barnamijka Hogaan Iyo Horumar ENG Mohamed Aden Hassan)

0
Tuesday September 03, 2019 - 08:54:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manta Waxaynu Falanqaynaynaa Raysal Wasaare Abiy Axmed (Q 16aad E Barnamijka Hogaan Iyo Horumar ENG Mohamed Aden Hassan)

    Manta waxaynu falanqaynaynaa Raysal wasaare Abiy AXmed Cali Hogamiyaha Da'da yar E dalka Ethiopia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manta waxaynu falanqaynaynaa Raysal wasaare Abiy AXmed Cali Hogamiyaha Da'da yar E dalka Ethiopia
abiy  qof ahaan waa shakhsi aad u fir fircoon o isbadal doon ah isla markana jecel in dalkisa Ethiopia isbadal deg-dega ka dhaco iyo waliba dawladaha jaarka ah iyo guud ahaanba Africa waxaana ino cadenaysa dhaq dhaqayada u ka wado dalalka Africa qaar ka mida iyo waliba dalkiisa.

Mudada yar e u xilka dalka Ethiopia joogay waxaa dhacay isbadalo deg dega o aan run ahaanti ku amanayo shakhsi ahaan.



Waxa u samaxay markiiba dadyow fara badan o  ku xidhnaa jelelka Ethiopia o wakhti fara badan xidhnaa kuwaas o xataa rajo dhigay o aminsana in ay nolosha jeelka ku dhamaysanayaan waxaa liiska argagixisada laga saaray ururadii dagalamayay waxaana lo ogaladay in ay wada hadal ku gadhan wax walba o ay doonayaan o wixii fikir ah ay qabaan dalka dhaxdiisa kaga ololeyaan waxa shacab waynaha lo fasaxay in ay aragtidooda ka hadli karaan o ay sheegi karan wixii dhaliilo ah waxa sido kale la fur-furay dhaqalihii dalka waxana u noqday mid furan si lamida waxa dhacay isbadalo xawli ku socda.


Abiy sido kale waxa u xaliyay muddo yar gudohood colaadi ka dhaxasay Ethiopia iyo Eritrea taas o lays lahaa waligeed dhamanmayso marka la eego dhibatada iyo dagalka labada dawladood ka dhaxeyay iyo waliba muranka dhinaca xuduudka ah e ka dhaxeyay.


Heshisiinta Ethiopia iyo Eritrea waxay noqotay fursad cusub o isbadal deg dega oo suurta galiyay in indhaha caalamku si dhow Eritrea ugu so egaan isla markana ay ka tanasulaan sidii ay u arkayen Eritrea muddo ka hor si lamida waxay indhaha aduunku so jiiten raysalwasaare abiy o lo arkay in u yahay shakhsi isbadal doona o wax walba dhamen karyaa.


Waxa u ka dagay raysalwasaare abiy dawlado badan o geeska Africa ah sida Somalia,Kenya,Eritrea, iyo waliba jabuuti waxayna madaxwaynaysha dalalkaas ka wada hadleen xoojinta nabada wada shaqayn dhex marta dawladaaha geeska si la mida in laga dul talaabsado caqabada geeska Africa ka jira sida dhaqale xumada iyo wada shaqayn la’aanta iyo waliba caqabadaha kale o fara badan o geeska Africa ku hareresan.


Maxamed ahaan waa marki igu horesay ee aan arko maqlo hogaamiye dal kale ayaa waxa u ka shaqenayaa arimo guud o dadka u dhex disaba dawladaha wanan bogadinaya waaana isbadal lo bahanyahay.


Si kale markaynu ka eegno waxaa dalka Ethiopia ka jira dhibatoyin fara badan o ay ka mid yihiin dagaalka ku salaysan qowmiyada taas o dhib badan ku haya dawlada Ethiopia si lamida shacab aad u badan o aan halayn dhaqaale ku filan si ay ugu maareyaan noloshooda waliba dawlada Ethiopia o aynu ognahay korodhka dhaqalaheeda si lamida cafis la’aan jirta o aan wali dadki lawada qancin iyo waliba dhibatoyin kale o o fara badan o raysalwasaraha caqabad ku ah xukumadiisa .


Maxaynu ka baran karaynaa raysal wasaare Abiy Ahmed Ali?

Labo qadoba waynu ka baranaynaa horta waa ta koowade in la sameeyo isbadalo Deg-Dega dhinac walba o nolosha ah o ay dawlada iyo culumaduba gadhwayn ka yihiin taas o culays kasta dhabarka lo dhiganayo si dadkeena iyo dalkenuba u horumaro.


Wata labaade in aynu ka barano raysal wasaare abiy sida wanaagsan e wakhtiga yari ku jiro e u gu dhamayay hawlahaas cul culus dadkena iyo dawladenaba dhibka ina haystaa waa wakhtiga o aynu iska lumino iyada o laynaga doonayo isbadal isla markaasna hawlo culus ina sugayaaan iyo waliba waxaynu ka baran karaynaa qodobo kale o fara badan.


ALLA MAHAD LEH ALLA MAHAD LEH ALLA MAHAD LEH

BY:Mohammed Adam Hassan

Engineer and Politician Researcher And writer

Hogaan IYO Horumar.

DOORO HOGAAMIYE WANAAGSAN OO HORUMAR KEENI KARA IYO ISBADAL DUNIDANA INA GAADHSIIN KARA.

E-MAIL: [email protected]

Tell:         0634394700.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...