Zimbabwe Oo Looga Dhawaaqay Xaalad Musiibo Qaran
Ciidammada ayaa loo diray in ay caawiyaan arday boqollaal gaareysa, kuwaasoo iskuulladooda ay waxyeello gaartay.
Labo ka mid ah carruurta iskuullada ayaa dhintay, kaddib markii uu derbi ku soo dumay dhismihii ay degganaayeen.
Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay dalka Zimbabwe, kolkii ay duufaantu ku dhufatay koonfurta bari ee dalkaas.
Wasaaradda isgaadhsiinta ee dalka ayaa sheegtay in la la' yahay 40 qof.
Duufaantan oo lagu magacaabo Idai, daadadna wadatay ayaa ka dhacday sidoo kale bariga Mozambique, habeennimadii khamiistii waxayna korontada iyo isgaadhsiinta ka jartay dhulalka ku xeeran Zimbabwe.
Duufaantu waxay daba socotaa, abaar ku dhufatay qaybo badan oo Zimbabwe ka tirsan, taas oo sababtay in dalagyadii la filayay aysan soo go`in, waxayna taas horseedday in Qaramada Midoobay ay codsi degdeg ah dirto.
BBC