Hay'adda U Dooda Xuquuqda Aadanaha Ee Amnesty Oo Ka Hadashay Xadhiga Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland
Muqdisho(HWN):-Hay’adda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa ka hadashay xadhiga magaalada Muqdisho loogu gaystay wasiirkii amniga ee maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Agaasime ku-xigeenka hay'adda Caalamiga ah Amnesty ee Bariga Afrika,Geeska iyo Harooyinka waaweyn Seif Magangooo ka hadlay xadhiga wasiirkan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in qabashada wasiirkani ay tahay talaabo hore loo qaaday oo la xidhiidha in layskula xisaabtamo dembiyada waa weyn ee la galo iyo xad gudubyada masuuliyiinta gaystaan.
Agaasime ku xigeenka hay’adda Amnesty ee bariga Afrika oo ka hadlaya xadhiga wasiirkii amniga ee maamulka Jubbaland ayaa waxa uu yidhi "Xadhiga wasiir Cabdirashiid Janan waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday oo la xidhiidha la-xisaabtanka shaqsiyaadka sameeyay xad-gudubyadda bini'aadanimo inta ay xukunka ka hayeen Soomaaliya." Ayuu yidhi Seif Mangango.
Agaasime ku xigeenka hay’adda Amnesty oo ka hadlaya baadhitaanada wasiirkan lagu hayo ayaa waxa uu yidhi "Baadhitaanada iyo maxkamadeynta Cabdirashiid Janan waa in ay ay xaqiijiyaan caddaalad ay helaan dhibaneyaasha lagugala kacay xad-gudubka bini'aadanimo iyo qoysaskooda ku nool Soomaaliya." ayuu ku daray Seif Mangango.
Cabdirashid Janan ayaa waxaa eedeyn u soo jeediyay kooxda dabagalka ee dalalka
Soomaaliya iyo Eritrea, iyagoo ku eedeeyay dambiyo ay ka mid yihiin
dil,jirdil,xarig aan sharci ahayn iyo sameynta falal aan sharci ahayn intii u
dhexeysay sannadihii 2014 iyo 2015.
Warbixin ay soo saartay kooxdii hore ee la socodka iyo arrimaha Soomaaliya iyo
Eritrea (SEMG) sanadkii 2016 iyo 2017 ayaa Cabdirashid Xasan Cabdinur waxa ku
eedeysay inuu sameeyay falal ka dhan ah kaalmada aadanaha intii u dhexeysay
2014 iyo 2017.
Booliska Soomaaliya ayaa shalay shaaciyay in ,Cabdirashid Janan laga xirey
garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho 31kii bishii August 2019,iyadoo taliye
ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Zakia Xuseen ay sheegtay in
Cabdirashid Janan loo haysto dambiyo badan baaritaanana lagu sameyn doono.


0 





