Dibadbaxyo Ka Soo Cusboonaaday Faransiiska

0
Sunday March 17, 2019 - 09:17:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibadbaxyo Ka Soo Cusboonaaday Faransiiska

    Dibad baxayaal ayaa boob iyo dhac u geystay dukaamo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxayaal ayaa boob iyo dhac u geystay dukaamo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska , dibadbaxyo noocan oo kale ah ayaa dalkaasi ka dhacay afar bilood kahor.

Booliiska ayaa dadkaasi u adeegsaday biyo iyo suntan dadka ka ilmeysiisa si ay u kala cayriyaan. In ka badan 120 qof ayayna booliiska xirxireen. Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaya sharci dhanka shaqada iyo shaqaalaha ku saabsan.

Waxay booliisku sheegeen in ilaa 10,000 oo qof ay ka qayb qaateen dibadbaxyada ka dhacay Paris, tiradan oo ka badan tirada dadkii ka qayb qaatay dibadbaxyadii dhowaan ka dhacay.

Ilaa 32,300 ayaa guud ahaan ka qayb qaatay dibadbaxyada ka dhacay waddooyinka Faransiiska, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas.

Si kastaba, booliiska ayaa sheegay in 36,000 oo qof ay si nabafd ah uga qayb qaateen mudaaharaadyo kale oo looga oso horjeeday isbeddelka cimilada oo ka dhacay Paris.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Faransiiska Christophe Castaner ayaa sheegay in in ka badan 1,400 oo saraakiil booliis ah la geeyay meelaha ay dibadbaxyadu ka socdaan.

Mr Castaner ayaa sheegay inuu booliiska ku amray inay wax ka qabtaan weerarrada aanan la aqbali karin ee ay dibadbaxayaashu geysanayaan.

BBC


Loading...
Loading...