Dubla-maasi sare Oo U Dhashay Dalka Eritrea Oo Codsi U Diray Dawladda Somaliya
Diblumaasi sare oo u dhashay dalka Eritrea ayaa sheegtay inuu dhalasho ka heysto Soomaaliya, xilligaana uu doonayo in dib loogu cusbooneysiiyo.
Estifanos Afwerki, oo sidoo kale ah safiirka xukuumadda Casmara u fadhiya dalka Japan, ayaa shaaca ka qaaday in la siiyey dhalashadaasi sannadku markuu ahaa 1983dii ka hor burburkii dalka. Waxaa kalo uu caddeeyay in dalabkaan hor-dhigay madaxweyne Farmaajo oo ay ku kulmeen garoonka diyaaradaha xarunta dalka Japan ee Tokyo.

"Waxaan madaxweyne Farmaajo maanta ku waydiistay garoonka diyaaradaha Narita Airport TOKYO in uu si naxariisleh iga caawiyo in la ii cusbooneysiiyo dhalashadeyda Soomaaliya oo aan helay 1983-dii. hal dad Eritrea." ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyay labo maalin ka hor twitterka.
Ma uusan sheegin haddii ay jirto jawaab uu ka helay madaxweynaha, sidoo kale xafiiska madaxweynaha kama uusan hadlin dalabka diblumaasigan.
Madaxweyne Farmaajo oo Japan uga qaybgalay shirka iskaashiga qaaradda iyo dalka Japan ayaa galinkii dambe ee shalay ku soo laabtay caasimadda Muqdisho.


0 





