Shilalka Gaadiidku Waa Aafo Qaran….W/Q Maxamed Gacayte

0
Saturday March 16, 2019 - 23:34:40 in Articles by
  • Visits: 1263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shilalka Gaadiidku Waa Aafo Qaran….W/Q Maxamed Gacayte

    Shilalka Gaadiidku Waa Aafo Qaran….W/Q Maxamed Gacayte

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shilalka Gaadiidku Waa Aafo Qaran….W/Q Maxamed Gacayte


Waa in ganaax adag adag lagu soo rogo wadayaasha gaadiidka xawaaraha sare ku socda, siiba Booyadaha biyaha iyo iska rogooyinka oo ah kuwa ugu badan ee sababa shilalka halista ah. Taasina waxay u baahan tahay in la tayeeyo awooda Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka qalab ahaan iyo gaadiid ahaanba, aqoontooda la dhiso si sharci ahaan si loo xakameeyo gaadhiga xawaare dheer ku socda, sharci adagna la duldhigo haday tahay gudaha iyo dibada Magaalooyinka. Dhinaca kale Maxkmadahu waa inay xukun ciqaab ugu yaraan 2sano iyo ganaax ku ridaan dirawalka caadaysta.




Gaadiidka daalay waa in la madnuucaa, Wasaarada Gaadiidka iyo Jidadka waan ku bogaadinayaa inay wado adeega tijaabinta badqabka gaadiidka sanadkii hal mar checking lagu sameeyo. Sidoo kale waa in la adkeeyo bixinta Liisanka wadista lana madnuuco qof aan liisan lahayn inuu gaadhi kaxeeyo waana danbi.


Taliyaha Ciidanka Booliska JSL iyo Wasaarada Gaadiidku waa inay hoos u eegaan arintan, qorshe cadna laga soo saaro si talaabo adag loo duldhigo sida uu qeexayan xeerka wado marista iyo xeerarka kale . Shilalka gaadiidku waa aafo Qaran oon indhaha laga qarsan karin caqlina maaha in waagii baryaba dhimasho, dhaawac iyo khasaare hantiyeed oo shilalku keenaan dugsano.


Shacab iyo Xukuumadba xilbaa inaga saaran waayo khasaarahiisu cid aanay saamayni ma jirto.

Wabilahi tawfiiq

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...