Dawlada Kenya Oo Shaacisay Sida Ay U Aragto Go'aanka Ay Soomaaliya Duldhigtay Diyaaradihii Tagi Jiray Kismaayo
Nairobi(HWN):-Dawlada Kenya ayaa ka hadashay go’aankii ay dawlada soomaaliya duldhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
War uu baahiyey wargeyska Dailly Nation ayaa lagu sheegay in xukuumada Nairobi ay aaminsan tahay in soomaaliya talaabadan ay ula jeedo dawlada Kenya.

Sidoo kale wargeyska ayaa sheegay in ciidamado ka socda dawlada Kenya oo qayb ka ah hawl galka Amisom ay ku sugan yihiin magaalooyinka Kismaayo iyo dhoobley.
Go’aanka ka soo baxay dawlada federaalka ah ee soomaaliya ee la xidhiidha amarka la duldhigay diyaaradihii sida tooska ah u tagi jiray magaalada Kismaayo ayey dawlada Kenya u aragtaa talaabo ay xukuumada muqdisho iyada ula jeedo.
Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ay wali u dhaxayso xurgufta ka dhalatay muranka bada ee u dhaxeeya labada dal ayaa laga war sugayaa inay go’aan ka soo saarta maxkamada caalamiga ah ee ICJ.


0 





