Gudoomiyaha Cusub Ee Banaadir Oo Amaro Duldhigay Safaaradaha Iyo Hudheelada Magaalada Muqdisho
Muqdisho(HWN):-Duqa cusub ee magaalada Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa soo saaray amar uu duldhigay hudheelada iyo safaaradaha ku yaala magaalada Muqdisho.
Gudoomiye Cumar Filish ayaa hudheelada iyo safaaradaha ku amray inay furaan wadooyinka u xidhan ee hormara, isaga oo xusay in wadooyin la xidho aan lagu sugi Karin amaanka.
Gudoomiye Cumar Filish ayaa amarka uu soo saaray waxa uu ku yidhi "Waxaan u sheegayaa xarumaha mas’uuliyiinta dowlada JFS, wasaaradaha, Hoteelada, iyo Safaaradaha u xiran wadooyinka magalada muqdisho in ay furaan si iskooda ah inta uusan talaabo qaadin Maamulka Gobolka Banaadir majiri doonto wado xiran amnina laguma sugi karo in shacabka laga xiro wadooyinka” ayuu yiri Cumar Filish oo qoraal kooban caawa soo dhiugay bartiisa facebook.
Waxaa uu u sheegay shacabka Muqdisho in la gaadhay waqtigii la furi lahaa wadooyinka xidhan sida ugu dhow.
Amarka uu soo saaray gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdiso Cumar Filish ayaa fulinaya balanqaad uu sameeyey markii uu xilka la wareegay kaas oo uu ku sheegay inuu furi doono wadooyinka magaalada Muqdisho ee xidhan.


0 





