Taariikhda Axmed Nuur Jaangow . Waxa Qoray Cumar Seerbiya

0
Sunday September 01, 2019 - 19:33:15 in Articles by
  • Visits: 6127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Axmed Nuur Jaangow . Waxa Qoray Cumar Seerbiya

    Taariikhda Axmed Nuur Jaangow . Waxa Qoray Cumar Seerbiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhda Axmed Nuur Jaangow . Waxa Qoray Cumar Seerbiya


Axmednuur Iidow Abtiile oo caan ku ahaa magaca Axmed Nuur Jaangow hooyadiina ahayd Maryan Beerrey Miidaan sannadkii 1950 ayuu ku dhashay magaalada Buulaburde ee gobolka Hiiraan halkaasi ayuuna waxbarashadii asaasiga ahayd ku qaatay .

Image may contain: 1 person, eyeglasses and closeup


Axmed Nuur oo la dhashay 7 qof oo gabdho iyowiilal isugu jira wuxuu ka mid noqday ciidamadii xerada difaaca cirka lamagalaay Beledweyne sannadkii 1967, halkaasi ayuuna ka bilaabay inuu barto tumista aaladda Kabanka oo uu markii dambe uu caan ku noqday .


Sannadkii 1968 ayaa Axmed Nuur Jaangow loo wareejiyey ciidamada xoogga dalka ee Taliska qaybta Hargeysa , waxaanu ka mid noqday kooxdii General Daa’uud oo ay sidoo kale ku jireen Xasan Xaaji C/laahi Xasan Ganey, Cabdikaamil Cawaale (fannaankii qaadi jiray Calankayga nuurow Allahayow ku nabadgeli) , Muxumed Soofe Kaneeco iyo xubno kale oo bahda fanka ka mid noqday .


Heesta Gorgor ee uu allifay Xasan Ganey ayuu Jaangow qaaday markii koowaad sannadkii 1968, sidoo kale 1971 ayuu Axmed Nuur Jaangow laxameeyey codkiisana ku qaaday heesta Daljir oo ahayd tii ay bulshada Soomaalidu ku baratay heesta waxa lahaa Abwaan Xasan Ganey.
Isaga oo weli ka tirsan kooxda xoogga dalka ee ciidanka ayuu hadana wuxuu laxameeyey riwaayado badan oo ay allifeen abwaanadii Waaberi . Riwaayaddii Dab Jacayl Kariwaa’ ayey ahayd riwaayddii koowaad ee Jaangow heesaheeda laxameeyo .


Waxaana riwaayadda oo sannadkii 1974 uu allifay Abwaan Xasan Ganey ku jiray heeso dhawr ah sida


Laqanyo , weligeed adduunyada, Ambabaxaye socodkan, faraskaagii laga bedi , Shawahaadda iga daa iyo heesta " naftaa kuu qushuucday” oo ay wada qaadeen Axmed Cali Cigaal iyo Aamina Cabdillaahi Xirsi erayadana uu lahaa Muxumed Soofe Kaneeco .


Jaangow oo markii dambe ka mid noqday kooxdii ciidamada xoogga ee Horseed waxa uu laxameeyey heesaha ku jiray riwaayadaha kale ee uu allifay Abwaan Xasan Ganey sida , Jin Iyo Jacayl 1975, oo uu qayb lahaa laxannada , Dumistii aqalkayga 1976 , Galbeed waa la xoreeyey oo ku beegnayd kala wareeggii sannadihii 1977 iyo 1978-kii iyo weliba Bidaar sibiqbay kugu gashaa oo uu heesaha qaarkood laxameeyey Axmed Nuur Abtiile ayaa sidoo kale laxameeyey qaar ka mid ah riwaayadaha uu allifay Abwaan Maxamed Aadan Dacar sida , Bad Jacay badanaa ! , Biyo saratagay waa la sugayaa , Dirqi maaha jacaylku iyo weliba riwaayaddii Beeneey waa run. oo uu qayb lahaa heesaha ku jiray laxamadooda halka uu heesaha kalena uu laxameeyey Saalax Qaasim oo riwaayadda ku jiray .Riwaayadda Beeneey waa run markii hore waxa Aktar ka ahaa Xasan Aadan Samatar .


Axmed Nuur Jaangow wuxuu laxamo u sameeyey sidoo kale riwaayado ay dhigeen kooxdiisii Horseed oo ayka mid ahaayeen riwaayadihii uu allifay Abwaan Xasan Warsame Xasan Ciidle Gabey ee kala ahaa Ninba dhan u baday , Wad Jacayl iyo War la’aan , Roob arooryo da’ay , adaa wax arkee usha iiqabo , iyo Gardarooy godkaagii malaguugu soo galay? Oo uu lahaa Cabdi Aadan Bade, sidoo kale riwaayad kooxda horseed aad loogu amaanay oo uu lahaa Abwaan Bashiir Salaad Cirro oo la odhan jiray Waqti iyo Waalli Jacayl oo ay ku jirtay heesta Lasho oo ay markii koowaad wada qaadeen Siraad Cabdulle Ugaas .


Axmed Nuur Jaangow sannadkii 1995 wuxuu ka mid ahaa koox fannaaniin ah oo uu dalka Jabuuti ku casuumay Madaxweynihii Jabuuti Xasan Guuleed Abtidoon.sannadkii 2004 dalka isku tagga Imaaraatka carabta ayey sidoo kale bandhig faneed ku dhigeen Axmed Nuur Jaangow , Xaliimo Khaliif Magool , C/laahi Xalweyste , markii uu Muqdisho ku soo laabtay ayuu asaasay koox faneed la magac baxday Horyaal Band dadka ku jiray waxa ka mid ahaa Abwaan Cabdi Muxumed Amiin , Maxamuud Goox Qarboosh, Sahra Ileeye Cabdi , Siciid Toom , Nadiifo Cali Kulane , Abuukar Sarkuus iyo Maxamuud Kaadheeri.


Axmed Nuur Iidow Abtiile 25-ka Bishii Maarso sannadkii 2008 ayuu ku geeriyooday Muqdisho , wuxuu ka geeriyooday Ubad ah oo ay kala dhaleen Sahra Ileye Cabdi oo iyaduna geeriyootay sanandkii 2013 iyo Sacaada Alaale oo hadda Jabuuti ku nool
Alle ha janneeyo Jaangow .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...