Nuxurka Shir Dhexmaray Raysal Wasaaraha Soomaaliya Iyo Gudoomiyaha Cusub Ee Banaadir

0
Sunday September 01, 2019 - 19:19:31 in News by
  • Visits: 1838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Shir Dhexmaray Raysal Wasaaraha Soomaaliya Iyo Gudoomiyaha Cusub Ee Banaadir

    Nuxurka Shir Dhexmaray Raysal Wasaaraha Soomaaliya Iyo Gudoomiyaha Cusub Ee Banaadir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Shir Dhexmaray Raysal Wasaaraha Soomaaliya Iyo Gudoomiyaha Cusub Ee Banaadir

Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kharye oo maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta maamulka gobalka Banaadir, ayaa kulan la qaatay guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo guddoomiyaya cusub ee gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa looga hadlay horumarinta gobalka, sare u qaadidda amniga iyo bilicda caasimadda.

Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed ayaa Ra’iisul wasaaraha warbixin ka siisyay sida ay howluhu u socdaan iyo qorshayaasha uga degsan dardar-gelinta shaqooyinka horumarinta gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddoomiyaha u ballan qaaday in xukuumaddu maamulkiisa kala shaqeyneyso fulinta qorshayaasha horumarineed, ayaa guddoomiyaha faray in maamulka gobalku la yimaado qorshayaal cadcad oo lagu xaqiijinayo horumarka caasimadda dalka

—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...