Dawlada Soomaaliya Oo Ka Tashanaysa Dib U Qaabaynta Ciidamada

0
Sunday September 01, 2019 - 19:08:32 in News by
  • Visits: 1899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Ka Tashanaysa Dib U Qaabaynta Ciidamada

    Dawlada Soomaaliya Oo Ka Tashanaysa Dib U Qaabaynta Ciidamada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Ka Tashanaysa Dib U Qaabaynta Ciidamada


Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kharye ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay guddiga u xil saaran wajiga labaad ee dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida.




kulanka dhex maray guddiga iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay sida ay u socdaan howlaha guddiga iyo dardar-gelinta dib-u-habeynta ciidamada qaranka, si loogu guuleysto howlaha dib-u-dhiska ciidamada.


Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay shaqooyinka ay soo qabteen intii ay ku jireen wajiga labaad dib-u-qaabeynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed.



Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga faray in ay dardar-geliyaan howlaha ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.


—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...