Somaliland Xagay U Socotaa?
Asc dhamaan ummada reer somaliland meel kasta oo aad ka joogtan addunyada alle waxaan
idinka baryayaa in sannadkan sannadkiisa inagu
gaadhsiyo barwaaqo iyo badhaadhe
Waxaan aad ugu mahad celinayaa dhamaan shaqaalaha shabakada caalamiga
ah ee hadhwanaagnews siday ugu helantahay inay bulshada u soo gudbiso
xalada guud ee dalka
Haddan u galo nuxurka maqaalkayga somalilland xagay u socota?
sidaynu wada ogsonahay xukumad somaliland ee maanta dalka hogaamisa
kama muquto fagarayaasha caalamka ee aynu ku bandhigii jirnay qadiyadeen
waxana ku dhacay hoos u dhac aad u weyn taasi oo ay sababta in ay
fadhiid noqoto wasaradii arrimaha dibada
Haddaynu dib u celino xasuusta dhawr sanno ka hore waxaynu ahayn dad
meel kasta la taag iibinta qadiyadiisa oo aan la gaban balse hadda waxa
ka muqata fashiil diblomasiyadeed oo sababtay in aanu ka muqan weyno
fagaryaashi aynu ka muqan jirnay taasi oo ina dhaxal siin karta in aynu
ka muqurano fagaryaasha caalamka ee aynu hadda salaanka ka sii
laadlaadno
somaliland waxay ahayd dal aan aqoonsi haysan haddan samayn
diblomasiyadeed ku dhex leh saxiibada caalamka taasi oo ay ka xumaan
jirtay dawlada fadaraalka oo markay aragto siday caalamku ula
shaqaynayo ku noqon jirtay naxdin iyo walaac laxaad leh
balse hadda waxa fagarayaasha caalamka ku kaliyaystay xukumad somaliya taasi oo kaligeed ku dhex botarisa
Guntii iyo gunanadkii waxaan ka codsanya dhamaan aqoonyanaka reer
somaliland ee aqoonta dublamasiyadeed leh inay ka shaqeeyaan sidii ay
somaliland ugu soo noqon lahay fagaryaasha caalamiga ah ee ay ku iibin
jirtay qadiyad dadkeed iyo dalkeed xisbiyadunu waa inay arrinkaas kala
shaqeeyaan xukumada
Alle mahad leh
Number: 0634872619/ 0659191386
Maxamed Cabdilaahi Xuseen(Baradho)
Arday jamacdeed
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...