Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Suudaan Cumar Al Bashir Oo Dacwado Lagu Soo Oogay

0
Sunday September 01, 2019 - 11:30:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Suudaan Cumar Al Bashir Oo Dacwado Lagu Soo Oogay

    Garsoore maxkamadeed ayaa maanta si rasmi ah labada dacwadood oo midi tahay heysasho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsoore maxkamadeed ayaa maanta si rasmi ah labada dacwadood oo midi tahay heysasho lacago qalaad oo sharci darro ah iyo musuq maasuq kusoo oogay madaxweynihi hore ee dalka Sudan Omar al-Bashir.

 

Isaga oo ka jawaabayay su’aalo marki ugu horreysay maxkamadda lagu dhex weydiiyay ayuu Al Bashiir sheegay, inuu lacag dhan 25 milyan oo doollarka Mareykanka ah ka helay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, lacagaha kalana uu ka helay meelo kala duwan oo uusan carrabaabin.

 

Laakin madaxweynihi hore ee Sudan ayaa isku difaacay in lacagahaasi uusan u adeegsan danahiisa gaarka ah.

 

Qareenka difaacaya Cumar Al Bashir, ayaa sheegay in kalyantigiisa uu beeniyay eedaha loo soo jeediyay, isla markaana uu dhageysiga maxkamadda labaad uu keeni doono marqaatiyaal.

 

Garsoorihi maxkamadda ayaa diiday codsi ah in dammiin lagu sii daayo Cumar Al Bashir. Wuxuu maxkamadda ka sheegay in muddada xabsiga lagu sii heyn doono ay maxkamadda goo’aan ka gaari doonto 7-da bisha September.

 

VOA


Loading...
Loading...