Garsoore Maxkamadeed Oo Loo Heysto Fal Ay Sameysay Xilli Ay Dacwad Dhageysaneysay
Dr
Julie Oseko ayaa loo heystaa in iyadoo howsha maxkamaddu socoto ay iska gashay
internet-ka telefoonkeeda, ayna qeybta farriimaha dad kula sheekeysaneysay.
Dacwad cabasho ah oo ka dhan ah garsoorahan ayaa loo gudbiyay waaxda caddaaladda ee dalka Kenya(JSC), iyadoo lagu eedeeyay in Dr Oseko ay sidoo kale qolka maxkamadda ka baxday, si ay ula hadasho qof telefoonkeeda soo wacay, xilligaasna ay dacwaddu dhexda mareysay.
Wargeyska
Daily Nation iyo qaar kale oo ka mid ah warbaahinta Kenya, sida Kenya 24News
ayaa sheekadan tabiyay, waxayna sheegeen in haweeneydaas ay wajihi karto
tallaabo dhinaca astuubta ah.
Ninka
eedeyntan usoo jeediyay garsooraha, ayaa magaciisa lagu sheegay Elsek Osman oo
54 jir ah.
Ninkan oo u dhashay dalka Turkiga, isla markaana maalqabeen ah ayaa qudhiisa loo heystaa eedeymo la xiriira inuu faroxumeeyay carruur.
Mr
Osman ayaa dacwadda uu garsooraha u qabo ku xusay in Dr Oseko ay dooneysay inay
ka bax-baxsato kiiskiisa, wuxuuna sheegay in dayacaadda ay ku sameysay dacwadda
ay sababtay in la heli waayo markhaatiyaal.
Warqadaha maxkamadda, oo uu arkay wargeyska Daily Nation ayaa muujiyay in xilli ay ciyaalka la sheegay in la faroxumeeyay ay markhaati bixinayeen ay garsooraha mashquul ku ahayd Telefoonkeeda.
Dacwdada ka dhanka ah Dr Oseko, oo ay gadaal ka riixayaan qareennada Mr Osman ayaa lala kaashanayaa warqad dhaar ah oo muujineysa in garsooraha ay si maqane jooga ah uga qeyb galeysay dhageysiga dacwaddaas.
BBC


0 





