Doodo Ka Dhashay Meherad Ku Taala Magaalada Burco Oo Ciidamada Amaanku Xidheen

0
Saturday August 31, 2019 - 20:21:38 in News by
  • Visits: 5433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doodo Ka Dhashay Meherad Ku Taala Magaalada Burco Oo Ciidamada Amaanku Xidheen

    Doodo Ka Dhashay Meherad Ku Taala Magaalada Burco Oo Ciidamada Amaanku Xidheen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doodo Ka Dhashay Meherad Ku Taala Magaalada Burco Oo Ciidamada Amaanku Xidheen

 


Burco(HWN):-Ciidanka Booliska Somalilad ayaa maanta albaabada u laabay makhaayad lagu iibin jirey Bunka iyo laxoox xabashiga oo ay magaalada Burco hirgeliyeen Hablo dhalinyar ahi.


Sidoo kale, waxa iyaguna xabsiga loo taxaabay shaqaale Itoobiyaan ahaa oo ka shaqaynayey makhaayadda, waxaana makhaayadan lagu cunteeyo magaceeda la yidhaahdaa WARSAN.




Sida wararka ku helayno waxa maqaayada dacweeyey culimada magaalada Burco oo sheegay in Miisik laga shido iyo in rag iyo dumarku is dhex fadhiistaan.


Gobolka Togdheer waxa ku awood badan wadaadada, waxaana gabi ahaanba laga mamnuucay hoteelada in Bandhigyo lagu qabto iyo in heeso ama miisik lagu dhagaysto.


Inta badan maqaayadaha Itoobiyaanka waxa caado u ah in miisi hoose laga shido, taas oo cod hoose lagu dhagaysto, waxa kale oo inta badan caado u ah in foox lagu shido, waxaanay maqaayadani ka mid tahay uun maqaayadaha badan ee Hargeysa ka furan.


Illaa hadda xukuumaddu iyo ciidanka booliskuba kama hadal sababta loo xidhay maqaayadan Warsan balse waxa jira doodo ka dhashay talaabada lagu xidhay meheradan oo ay bulshadu isku waydaarsanayaan baraha Internet-ka. 


Aragtiyaha bulshada ayaa qaarkood si adag u naqdinayaan awoodo dheeraad ah oo ay sheegayaan in culimada magaalada Burco ku xidheen meheradan, waxaana lays waydiinayaa awooda fulineed ee culimadu halka ay salka ku hayso.

Loading...
Loading...