Shacabka Kismaayo Oo Banaan Bax Ka Dhigay Go'aano Dawlada Federaalku Duldhigtay Maamulka Jubboland
Kismaayo(HWN):-shacabka ku nool magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubboland ayaa banaan baxyo waa weyn ku muujiyey dareenka ay ka qabaan talaabooyin xayiraado ah oo ay dawlada federaalka ahi saartay maamulkaasi.



Dadweyne tiro badan oo iskugu soo baxay wadooyinka magaalada Kismaayo ayaa muujiyey sida ay uga soo horjeedaan go’aan ka soo baxay dawlada federaalka ah kaas oo lagu amray diyaaradaha taga magaalada Kismaayo inay soo maraan garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.
Dadweyne badan oo isugu soo baxay magaalada Kismaayo ayaa muujinayay sida ay uga walaacsan yihiin go’aanka kasoo baxay dowlada ee culeeska lagu saaray diyaaradaha taga magaalada Kismaayo.
Banaan baxayaasha ayaa watay boodhadh ay ku soo xardheen hal ku dhagyo ay ku soo bandhigayaan dareenkooda la xidhiidha talaabada dawlada federaalka ah kuwaas oo ay ka mid ahaayeen ,”Go’doomin gobol Guul miyaa, shacab la duleeyo guul miyaa, iyo sidoo kale ” Diyaarad joojin dowladnimo miyaa”.
Banaan baxyada ay iskugu soo baxeen shacabka magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmaya wakhti ay xiisad adagi u dhaxayso dawlada federaalka ah iyo madaxweynaha maamulka Jubboland, iyada oo dawlada Muqdisho aanay aqoonsan doorashadii Axmed Madoobe loogu doortay madaxweynaha maamulkaasi.


0 





