Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Wakiilada Cali Aw Yuusuf Oo Fariin U Diray Shacabka Somaliland

0
Saturday August 31, 2019 - 19:30:33 in News by
  • Visits: 2909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Wakiilada Cali Aw Yuusuf Oo Fariin U Diray Shacabka Somaliland

    Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Wakiilada Oo Fariin U Diray Shacabka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Wakiilada Oo Fariin U Diray Shacabka Somaliland


Hargeysa(HWN):-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed, ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, waxaanu ku taliyey in aad looga taxadiro wax kasta oo halis ku ah nabadgalyada iyo qaranimada.




Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed,oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Sannadkii 1991 ayeynu ku dhawaaqnay dawladnimadeena, kadib markii aynu halgan dheer aynu la galnay Dawladdii Siyaad Barre,marxalado kala duwan oo badan aynu soo marnay, maantana waxaynu nahay dal dhisan, oo Caalamka ka sugaya aqoonsi buuxa inuu siiyo, markaas inaynu hore u socono oo aynu ilaashano dalkeena mooye, inaynu dib u socono looma baahna, inaynu ka taxadiro wax kasta oo halis ku ah xasiloonideena ayaa la inooga baahan yahay, Shacabka reer Somaliland iyaga ayaa u coddeeyey madax-banaanidooda”.


Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada mar uu ka hadlaayey Warbaahinta ayaa yidhi "Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka waxaan leeyahay wararka aad baahinaysaan waa inay noqdaan warar Bulshada dan u ah, oo faa’iido u leh, laakiin wararkaasi yaanay noqon warar Bulshada iska hor keenaya, oo kicin iyo fidno abuuraya”.

 

Loading...
Loading...