Shirkada Takaful Oo Faah Faahisay Heshiis Ay La Gashay Ururka Dhakhaatiirta Ee KPJ
Hargeysa(HWN):-Shirkada caymiska ee Takaful iyo ururka dhakhaatiirta caalamiga ah ee KPJ ayaa heshiis wada shaqayneed ku kala saxeexday magaalada Hargeysa.
Wasiirka horumarinta maalgashiga somaliland, masuuliyiinta shirkada Takaful iyo xubno ka socday ururka ay ku midoobeen dhakhaatiirta wadanka Malaysia ee KPJ.
Gudoomiyaha shirkada caymiska ee Takaful Cumar Xaaji Xuseen ayaa faah faahin ka bixiyey heshiiska ay la galeen ururka dhakhaatiirta ee KPJ "takaful ahaan waxaanu ururka KPJ ugu tagnay wadanka Malaysia si fiicana way noo soo dhaweeyeen, arinta aanu maanta halkan ku soo bandhigaynaa waa cusbitaaladaas oo ku yaala wadamada Malaysia, Indonisia, Bangledish iyo Australi kuwa ugu badana waxay ku yaalaan Malaysia, waxaanu ogaysiinaynaa dhamaan dadka degan mandaqada bariga afrika oo ay ugu horeeyaan macaamiishada shirkada Takaful in adeegyada cusbitaaladaasi ay ka heli doonaan fiisaha iyo nidaamka iyaga oo ku soo hagaagaya xafiiska Takaful ee Hargeysa iyada oo xogta kalana la dhigi doono xafiisyada shirkada ee gobolada iyo wadamada jaarka, adeegyada caafimaad oo dhamaystiran ayaanay helayaan laga bilaabo bukaan socodka iyo qaliinada ilaa heerka kansalka, Anagu waxaanu jecelnahay inaanu adeegyo cusub u soo kordhino macaamiishadayada.”
Halkan Hoose Ka Daawo Warkaas Oo Faah Faahsan


0 





