'' Kaftanka Caawa , Marag-Fur,Burco Iyo Boorame ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje
Waxaa aan la yaabay aan idiin horaysiiyee , waxaan la yaabay ogaansho la'aanta ay labadaa magaalo ku marmayaan , ilayn wax la og yahay lagguma murmee .
Malaha waaban idinku raajiyee , aan marag-furkayga idiin soo gudbiyee , Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi , wuxuu ka qayb galay maalintii shalay ahayd Qalin jabintii jaamacadda Hargaysa , isagoo mar walba qalin jebinta jaamacadda Hargaysa ka qayb gala ,Sidoo kale Madaxwaynuhu wuxuu ka qayb galay xafladdii qalin jebtinta jaamacadda Boorame 2018 halka aanu Madaxwaynuhu ka qayb gelin xafladda qalin jebinta jaamacadda Burco , sidaa darteed , In Boorame Caasimad ku xigeenka tahay way iska muuqataye reer Burco muranka ha iska daayaan .
W/Q: Ahmed Nour Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!