Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Muuse Biixi Ma Siyaasibaa? 3-3 (Qaybtii80aad) Qore: Maxamed Xoosh
Muuse Biixi waxaa culays ku haya dhawaaqa ka soo yeedhaya dadweynaha Somaliland
oo u badan Madaxweyne DARAB,GOO Musuqmaasaqa waa arinta
keentay Gunti-giijis ama Handaraab dhaqaale wuxuu iila eegyahay arin
maamul dhaqaale balse arin siyaasi uma eeka
Arinka
ah in la saxo dhamaan shaqaalaha dawlada ee rasmiga ah oo imika iila
muuqda inuu galay wajigii ugu cuslaa in laga sifeeyo ciidanka ASKARIGA
CAAGLAHA AH ama raga ku qaata mushaharo iyo raashin askar aan jirin waa
arin maamul sixid iyo ciidan isaguna uma eeka siyaasi
Sida
la ogyahay waxa ku bixi jiray xalinta khilaafaadka iyo nabadaynta
beelaha Somaliland lacag ku dhaw 50 malyuun oo dollar iyadda laftigeeda
waa la joojiyay arinkaasina uma eeka siyaasi
Qaranimadda
si loo dhiso waxa lagu bixiyaa naf iyo maal "baad joogto ah” waa hadii
la doonaayo inay wax kala socdaan Madaxweyne Cigaal ayaa odhan jiray ma
waxaad aragtay dad wadankoodii laga laaluushaayo
Wey
adag tahay in uu Siyaasi kastaa noqdo Hogaamiye waayo hogaamintu wey ka
saraysaa siyaasinimadda, hogaamiye weli wuxuu ka shaqeeyaa oo awood ku
leeyahay bulshooyinka soo koraya oo u baahan ku daysho wanaagsan oo
wadadiisa raacdaan.
Waxa
muuqata in Madaxweyne Muuse Biixi u nugul yahay hadalka dadweynaha oo
ah go,aamadayadda qaado Waxaan ka jeclaa siday isaga la tahay inuu inagu
maamulo falcelinta caamadda lama qaato waase la dhagaystaa
Marka
kuu noqoto Wasiir Maaliyadeed daacad ah oo lacag ururinaya iyo Wasiir
Maaliyadeed oo Daacadnimadiisu yartahay balse miisaaniyadda sanad walba
kordhinaaya 30% keed qaadan lahayd ?
Iyaddoo
lagaa doonaayo boqolaal malyuun oo dollar oo musharo ah ama ilaahay
inaguma keenee dagaal ciidanka qabsado, sideed wax u maamuli lahayd ?
maantana dad badan oo baahan oo shacab ah ayaa doonaaya in noloshooda kor loo soo qaado iyo …….
Sideedaba
Siyaasaddu akhlaaq iyo damiir iyo dadnimu shaqo kuma laha taasi waa
marka runta laga sheego arimaha siyaasadda "Anigu se waxaan aaminsanhay
aragti kale” xaga siyaasiga manta joogaa uu kolba la leexanaayo cida
leexata isagoo daba socda dan iyo yaan ka helayaa waxaan rabo
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...