Daacadnimo Khiyamay, Dabarka Ugu Xidhanto, Derisku Ismabixiyaan, Deeqsigii Bakhayloow

0
Saturday August 31, 2019 - 08:29:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daacadnimo Khiyamay, Dabarka Ugu Xidhanto, Derisku Ismabixiyaan, Deeqsigii Bakhayloow

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-DABKA HURIYA MOOYEE,DEMIYAYBA LAMA BARIN,

   KU DAREERA MOOYEE,DULQAATAYBA LAMA BARIN,

   DUMIYAAYDA MOOYE,KA DAAYAYBA LAMA BARIN,

   DUUNYO URURSO MOOYE,DAA WAXABA LAMA BARIN.

 

2-DALAMSO LIQ MOOYE,DIBU DHIGABA LAMA BARIN,

   DADKA JILICSAN DHAWRIYO,SIDA LOO DARYEELO,

   DEBECSANIDU WAA CEEB,DOQONIMO LAGU SHEEG,

   DURDURADUNA RAGANIMO,LOO DAA NINKEEDII.

 

3-DAACADNIMO KHIYAMAY,DABARKA UGU XIDHANTO,

   DERISKU ISMA BIXIYAAN,DEEQSIGII BAKHAYLOOW,

   DUUNYADANA CAANIHI,DANBAR LAGAMA MAALOO,

   DIRQIBAY KU DHIIQAAN,HADDII DOOBI LALA GALO.

 

4-DARANTIYO BARWAAQADA,KUMA NAAXDO DOOGOO,

   DAMACADIYO DHADHAMO MALE,DUBAXDODA HILIBKI,

   DA’IDII RAXMAADKEE,LAGU DIIRSAN JIRAYBAA,

   WAAYAHAN ISDOORSHO,DUUFANIYO DABAYLO LEH.

 

5-DUUL ISLAAM KU FAANO,INTAASO DABEECO LEH,

   DAAYINKOOY BARYANOO,DUCADOODA YEELOOY,

   DIB UGA TOOBAD KEENAN,DUNUBTAY SAMEEYEN,

   ISGAA DULQAAD LEH,DAWGAASO QUDHAW FURAN.

              ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...