'' Kaftanka Maanta , Madaxwayne Soo Noqo ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Friday August 30, 2019 - 18:48:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Kaftanka Maanta , Madaxwayne Soo Noqo ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Sheekaba sheeko ayay keentaaye , beribaa waxa la yidhi odayaal Habar jeclo ah ayaa u tagay Madaxwayne Cigaal , Sheekaba sheeko ayay keentaaye , beribaa waxa la yidhi odayaal Habar jeclo ah ayaa u tagay Madaxwayne Cigaal ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekaba sheeko ayay keentaaye , beribaa waxa la yidhi odayaal Habar jeclo ah ayaa u tagay Madaxwayne Cigaal , Sheekaba sheeko ayay keentaaye , beribaa waxa la yidhi odayaal Habar jeclo ah ayaa u tagay Madaxwayne Cigaal ,

ka dibna markay odaygii la kulmeen ayaa nin odayaasha ka midi madaxwaynihii hadal kulul oo baanise ah ku qaadqaaday , dabeeto oday ergadda ka mida oo dareemay in shirka laggu kala kacayo , ayaa yidhi , waar hebeloow soo noqo ,waar soo noqo .

 

Imika waa halkaase , Madaxwayne labaddii sanadood ee aad xilka haysay shacbigaagii sheekada waa isla keeni laadihinoo qoladdii Harti waxay leedahay Madaxwaynuhu Stuu ayuun buu joogaa, Qoladdii Arab iyo Garxajisna wuxuun bay leedahay xagii jeegaanta ayuun buu joogaa , qoladdii Gadabiirsina xaajigi xagii Isaaqa ayuuu jooga bay leeyihiin , adna intaa waxuun baad sheegaysaa inaad meel dhexe joogto oo aanad meelahaa la sheegayo joogin , doodii iyo hadalkiina dhamaan waaye .

 

Sidaa markay tahay , anba berri dhawayd oo aanu taageerayaashayda is qabsanay waan soo noqdayoo waan isu dhiibaye , madaxwayne adna soo nooqo oo si aan laba sanadood oo dambe inooga lumin , shacabkaaga intaad isu dhiibto , wixii muran yaalaba adigu qaado , kiiskana isku rid , ka dibna baabuurka xoog u kaxee .

 

W/Q:Ahmed Nour Guruje

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...