Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya Oo Ka Hadashay Xaalada Dhuusamareeb Iyo Ciidamada Amisom Ee Tagay
Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay xaalada ka taagan magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug.
Wasiirka amniga dawlada soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa faah faahin ka bixiyey xaalada dhuusamareeb, isaga oo ka waramay sababta loo geeyey ciidamada hawl galka midawga Afrika ee Amisom.
Wasiir Ducaale ayaa sheegay in socdaalka taliyaha iyo wafdigga la socday uu ku saabsanaa sidii ay AMISOM iyo dowladda uga wada shaqeyn lahaayeen sugida Amniga degmada Dhuusa-Mareeb uu lagu wado in uu dhawaan ka furmo shir hor dhac u ah dhismaha maamulka Galmudug.
‘’Maata halkan waxaa noogu yimid taliyaha guud ee AMISOM iyo saraakil la socta, waxaan ka wada hadalnay sidii ay AMISOM gacan uga geysan laheyn sugida Amniga degmada iyo shirka dhawaan la filayo in uu ka furmo Dhuusa-Mareeb iyo waliba habka wada shaqeynta labada ciidan’’ ayuu yiri Wasiirka Amniga Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in ciidamada rajeynayaa in ay kaalinweyn ka qaataan hour-socodka Galmudug si loo dhiso Galmudug oo mideysan iyo sidoo kale qabsoomida shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug.
Ahlu Sunna ayaa horay u diidaneyd in deegaannada ay ka arimiyaan la keeno ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM , balse hadda waxey u muuqataa in leysaga soo dhawaaday khilaafkii hore ee jiray.


0 





