Madaxweyne Muuse Biixi Oo Afka Ka Xidhay Xaaladaha Siyaasadeed Ee Dalka Ka Taagan

0
Friday August 30, 2019 - 13:59:51 in News by
  • Visits: 2273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Afka Ka Xidhay Xaaladaha Siyaasadeed Ee Dalka Ka Taagan

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Afka Ka Xidhay Xaaladaha Siyaasadeed Ee Dalka Ka Taagan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Afka Ka Xidhay Xaaladaha Siyaasadeed Ee Dalka Ka Taagan


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalintii shalay ka qayb galay xaflad loo sameeyey dufcadii 16ad ee ka qalin jabisa jaamacada Hargeysa taas oo uu ka jeediyey khudbad.




Madaxweyne Biixi, ayaa khudbadiisan si weyn loogu dheg taagayey inuu kaga hadlo xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka taagan iyada oo si gaar ah isha loogu hayey inuu soo hadal qaado qaddiyada Sarkaalka hore uga tirsanaa ciidanka qaranka Col. Caare oo ergadii madaxda dhaqanka ahayd ee ku hawlanayd dib u soo celintiisu ay ka baxday ka dib markii uu taliyaha ciidanka qaranka sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani jeediyay khudbad xiisad siyaasadeed abuurtay balse madaxweyne Muuse Biixi ayaa afka ka dhawray inuu arintaas faah faahin ka bixiyo.


sidoo kale shacabka somaliland ayaa eegayey qaabka uu madaxweynuhu uga hadlo dhawaaqii ka soo yeedhay taliyaha ciidamada qaranka Nuux Ismaaciil Taani kaas oo sii  xoojiyey  kala qaybsanaantii siyaasadeed ee dalka ka jirtay.


dhinaca kale shacabka ayaa dhawrayey in madaxweynaha somaliland uu si toos ah uga hadlo burburka ku yimid heshiiskii ay xisbiyadu ka gaadheen khilaafkii doorashooyinka, heshiiskaas oo burburay markii la horgeeyey golaha wakiilada iyada shirgudoonka baarlamaankuna uu laalay heshiiskaasi.


Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi ayaan guud ahaanba soo hadal qaadin xaaladahaas siyaasadeed ee ka taagan dalka isla markaana la dhawrayey inuu ka waramo.

Loading...
Loading...